Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in meydad hor leh laga helay guryaha ku dumay qaraxyadii saaka ka dhacay magaalada.
Burburka guryo fara badan oo uu baabi’iyay qaraxa gaari xamuul ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa dadaal loogu jiraa in laga dhex raadiyo dad ku hoos jira kadib markii goor dhoweyd laga helay ilaa afar ruux meydkood.
Waxaa la xaqiijiyay in qaraxa lagu waayay Agaasimihii Maaliyada Doawlada Hoose ee Gaalkacyo oo la sheegay inuu guri ku dumay, welina aan lagu guuleysan in la soo saaro.
Qaraxa waxaa ku dhintay 21 ruux iyadoo 40 kale ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhintay ka mida Taliyihii Ciidanka ilaalada Dowladda Hoose ee Galkacyo Khadar Dhuubane, ku- xigeenkiisii koowaa oo magaciisa lagu sheegay Daroogo iyo ku xigeenkii labaad Cabdinuur Seerar.
Wadani.com