Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Khamiis 27 Ogost 2020 ah xukuno isugu jira xarig iyo ganaax lacageed ku riday agaasimeyaal ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda shirkado gaara oo lagu helay musuqmaasuq.
Agaasimeyaasha iyo Shirkadaha lagu helay musuqmaasuqa iyo xatooyada xoolaha dadweynaha, waxay kala yihiin:
1: Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Kalluumeysiga Iyo Kheyraadka Soomaaliya Guuleed Maxamed Ibraahim waxay Maxkamadda ku xukuntay 10 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 2,366 dollar iyo in uu qasnadda dowladda ku celiyo $137,907 dollar iyo ka reebista xafiis dadweyne.
2: Madaxa Hubinta Xafiiska Xissaabiyaha Guud Ee dowladda Cali Sheekhdoon Cabdi waxaa lagu xukumay 9 Sano oo Xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 3549 dollar iyo in qasnadda dowladda uu ku celiyo $58,505 dollar, ganaaxa waxaa wehliya ka reebid xafiis dadweyne.
3: Aweys Xasan Cumar xisaabiye ka tirsan waaxda Wasaaradda Warfaafinta waxaa lagu xukumay 6 bilood oo xarig ah iyo ganaax lacageed $1183 dollar.
4: Khadar Aweys Xasan Maamulka Shirkadda Alxabiib Business Centre waxaa lagu xukumay Saddex sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $1183 dollar, waxaana dhamaan mas’uuliyiinta la xukumay ay Maxkamaddu sheegtay in uu u furan yahay racfaan ku siman muddo 30 maalmood ah.