Agaasimaha Idaacadda ka faalloota Ciyaaraha ee magaalada Muqdisho GOOL GM ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay, kana tegay shaqadii uu Idaacadaasi ka hayay, waxayna arrintan imaaneysaa muddo yar kadib markii uu Idaaacaddaasi iibsaday Milkiilaha Idaacadaha Goobjoog iyo Maandeeq Abshir Bukhaari.
Wararka qaar ayaa sheegaya in weriyeyaasha isaga huleelaya idaacadda ay dhibaato ku noqotay qaabka shaqada cusub ee idaacadda loo sameeyay in jadwal adag oo maamulka cusub la yimid.
Agaasimaha xilka ka tegay hoos ka akhri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook
Is Casilaad xilkii agaasimaha idaacadda Gool FM
Waxaan rabaa inaan halkaan ku shaaciyo 4 sano kadib inaan joojiyay shaqadii idaacadda Gool FM oo aan agaasime ka ahaa, afartii sano ee aan joogay Gool FM labo sano waxaan ahaa agaasime halka labo sano aan wariye ka ahaa.
Sababta aan isaga casilay xilka agaasime ee Gool FM waa anigoo bisha April hawada soo galin doona idaacadda cusub oo sports ah.
Sidoo kale waxaa maanta iyaguna iska casilay shaqada Gool FM madaxa Barnaamijyada Mohamed Abdi Muudey iyo wariyihii ugu waaya aragsanaa uguna caansanaa idaacadda Gool FM Cabdul Xafiid Zaciimka
Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo dhamaan shaqaalaha Gool FM oo si wanaagsan ii garab siiyay intii aan xafiiska joogay ma jiro maamule guuleysan kara hadii aaney shaqaalihiisu garab istaagin.
Ma rabo inaan ku faano heerkii aan gaarsiiyay idaacadda Gool FM iyo wixii aan kusoo kordhiyay oo fikrado ahaa oo maanta ay xitaa isticmaaleen qaar ka mid ah idaacadda Muqdisho ku yaala ,waxaan rabaa inaan wanaag iyo hormar u rajeeyo idaacadda Gool FM iyo milkiilaha cusub.
Waana joojiyay shaqada Gool FM laga bilaabo maanta
Mahadsanidiin
Abdullahi Osman Farah