Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegyaa in goor dhoweyd xabsiga laga sii daayay agaasimaha Isbitaalka Intersos ee Magaalada Jowhar.
Agaasimaha Xasan Mahad ayaa xalay waxa gurigiisa laga kaxeystay ciidamo uu soo amray Wasiirka Arimaha gudaha Hirshabelle Maxamed Cali Caadle, iyadoo lagu heysto inuu diiday amar wasiirku bixiyay oo ahaa in isbitaalka laga raro xarunta uu degan yahay.
Agaasimaha ayaa hadda ku sugan gurigiisa Magaalada Jowhar, wuxuuna ka gaabsaday inuu warfaafinta la hadlo ama faahfaahin ka bixiyo xarigiisa.
Bannaanbax looga horjeedo xariga agaasimaha isbitaalka Intersos iyo amarka wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle ayaa ka dhacay magaalada.
Wadani.com