Agaamiihii sii hayey xilka Machadka Caafimaadka Qaranka ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa beeniyey inuu xilka isaga casilay arrin ku saabsan kiiska Coronavirus ee wasaaradda ay shaacisay in laga helay qofkii labaad.
Qaasim Jimcaale oo xalay qoraal uu ku faafiyey baraha bulshada ku shaaciyey is casilaadiisa, isagoo sheegay inuu muddo 10 sano ah wasaaradda Caafimaadka ka shaqeynayey, wuxuuna wasaaradda u rajeeyay inay guul ka gaarto dagaalka ay kula jirto cudurka Coronavirus.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku yiri: “Walaalayaal is-casilaadeydu shaqo kuma laha xaalada labaad ee COVID-19 ee dalka laga sheegay. Sidoo kale shaqo kuma laha shakhsiyaad ama dagaal na dhex yaala aniga iyo madaxda Wasaaradda Caafimaadka. Fadlan been’abuurka aan ka fogaano…”
Arrintan ayaa ka danbeysay markii Baraha bulshada ay buuxiyeen warar la isla dhex maray oo ku saabsan is-casilaadiisa ay sababtay markii wasiirka caafimaadka Fowsiyo ay sheegtay in dalka laga helay kiiskii labaad ee cudurka Covid19 iyo arrimo kale.
Muddooyinkan danbe waxaa baraha bulshada si weyn ugu faafaya warar been abuur iyo fasiraad khaldan oo laga bixinayo dhacdo kasta, iyadoo ay hoggaaminayaan saxafiyiin hore iyo dad laga yaqaan baraha bulshada.