Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada Maamulka Galmudug ayaa Xabsiga dhigeen Agaasimihii Radio Hobyo oo ku yaalla Magaalada Gaalkacyo Cali Maalin Nuur oo xalay laga qabay xaruntiisa.
Agaasimaha xabsiga la dhigay ayaa la sheegay in lagu eedeeyay baahinta warar ka dhan ah Maamulka Galmudug, iyadoo lagu xiray xabsiga dhexe ee Degmada Gaalkacyo.
Waa markii ugu horeysay ee maamulka Galmudug uu xarig kula kaco weriye shaqadiisa wata iyadoo hore ay arrintaasi ugu caanbaxeen Ahlu suna. Saxafiyiinta Magaalada Gaalkacyo ayaa Cambaareeyay xarigaWariye Cali Maalin Nuur oo ahaa Agaasimaha Radio Hobyo.
Maamulka Galmdug ayaan weli ka hadlin xariga agaasimaha, waxaana socda dadaal ay wadaan saxafiyiinta Gaalkacyo si loo sii daayo agaasimaha Radio Hobyo.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in agaasime Cali Maalin xabsiga laga sii daayay markii saacado uu ku jiray, waxaana dib loogu celiyay xoriyadiisii iyadoo aan wax denbi ah lagu soo oogin.
Wadani.com
[ad name=”HTML-7″]