Dagaalkii ugu cuslaa ayaa shalay ka dhacay degaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud, iyadoo qasaare kasoo gaaray maleeshiyada Maamulka Ahlusunna ee Gobolada Dhexe.
Dagaalkii Shalay ayaa la sheegay in Ahlu suna looga saaray degaankaasi, isla markaana ay kaga dhinteen askar fara badan, iyadoo qasaaraha dagaalkaasi uu gaaray in ka badan 10, halka ay ku dhaawacmeen 20 kale.
Saraakiil ka tirsan Ahlu suna ayaa lagu dhaawacay dagaalka, iyadoo ay ku go’doomeen duleedka Xeraale, halkaasoo ay suuragal noqon weyday in loogu gurmado. Maleeshiyada Degaanka ayaa sheegatay inay qasaare culus u geysatay kooxda Ahlu suna.
Saraakiisa dagalaka ku dhaawacmay waxaa kamid Maxamed Xaaji Diirye oo ahaa taliyaha ciidamada Ahlu suna ee Guriceel, Xasan Maxamed Guure oo ahaa taliye ku xigeenkii Booliska Ahlu suna ee magaalada Dhuusamareeb iyo sarkaal kale.
Ciidamo gurmad ahaa oo ka baxay degmada Guriceel ayaa jidka loo galay agagaarka Guriceel iyadoo qasaare loo geystay, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in maleeshiyada Ahlu suna laga saaray degaanka Xeraale.