Ciidamada dib isu abaabulay ee Ahlu Suna ayaa maanta la wareegay magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, taasoo xaalad dagaal gelisay maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Axmed Qoorqoor.
Kadib markii ay dagaal la’aan la wareegeen magaalad Guriceel ayuu taliyihii hogaaminayey maleeshiyada kooxdaasi Cali Farax Maxamed Bilaal wuxuu saxaafadda u sheegay inay si nabad ah kula wareegeen Guriceel, iyadoo aaay wax colaad ahi dhicin.
Wuxuu intaas ku daray in la soo saaray amar ah inuu xiran yahay Garoonka Guriceel oo lagha mamnuucay inay kasoo degaan Diyaarad sida hub ama Ciidan, wuxuuna ku dooday inaysan dhinacooda duullaanka wadin, balse lasoo weeraray.
Qabsashada Ahlu Suna ka dib waxaa magaalada Guriceel gaaray Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ahaa madixii Ahlu suna intii aan laga adkaan kooxdaasi, waxaana Guriceel kusoo dhoweeyay dadweyne taagereeyaal u ah.
Dhinaca kale waxaa magaalada Dhuusamareeb Galabta gaaray madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, iyadoo ay la socdeen xubno ay ka mid yihiin Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, Senator Cabdikaxiim Macalin Axmed, Senator Yuusuf Geelle iyo Xildhibaan Xuseen Iidow. Waxaa kaloo magaalada gaaray ciidamo ay u dirtay dowladda Federaalka, waxaana dhaqdhaqaaq ciidan iyo diyaar garow ka socdaa magaalada Dhuusamareeb.
Diyaarado sida ciidamo iyo sanad ayaa maanta iyo galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb, waxaana sidoo kale shirar uga socdaan caasimadda Galmudug madaxda Galmudug iyo sarkaaiisha ciidamada kala duwan, iyadoo laga arrinsanayo sidii loo wajihi lahaa kacdoonka Ahlu suna.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dullaankii ugu weynaa la amray in lagu qaado xoogagga dib isu abaabulay ee Ahlu suna, lagana saaro degaanada Gobolka Galgaduud, iyadoo ay socoto diyaarinta iyo daabulka saanad iyo ciidamo badan oo isugu jira kuwa Daraawiishta Galmudug iyo ciidamada dowladda Federaalka.
Laba kacleynta Ahlu suna ayaa timid xilli xasaasi ah oo Doorasho, waxaana ay ka danbeysay markii madaxda kooxdaasi ay dib ugu laabteen degaanka Huurshe oo ay sheegeen inay Siyaaro uga qeyb galayaan, balse ay ku dhaqaaqeen abaabul ciidan.
