Kooxda Ahlu suna ee Gobollada Dhexe ayaa shaaciyay heshiis qarsoodi ah iyo is-afgarad ay gaareen madaxweynaha maamulkaasi iyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Kadib markii uu shalay dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ayuu Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay qoddobo dhowr ah oo heshiis ay ku gaareen labada dhinac.
Wuxuu sheegay Sheekh Shaakir madaxweyne Farmaajo ay ku heshiiyeen arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga labada dhinac iyo hagaajinta xiriirkii xumaa ee dowladda Federaalka iyo Ahlu suna, waxaana qodobadda uu shaaciyay ka mida:
1 – In xiriirka labada dhinac la hagaaijiyo
2 – In Ahlu suna qeyb ka noqoto dhismaha ciidamada Qaranka
3 – In la iska kaashado dagaalka lagula jiro Alshabaab.
Arrimaha la isku afgaran waayay ayaa waxaa ka mida in maamulka Ahlu suna ay ku biiraan maamulka Galmudug, waxaana madaxweynaha Ahlu sunna uu diiday inuu ka mid noqdo maamulka Galmudug.
Doorashada madaxweynaha Galmudug oo loo arkayay fursad Ahlu suna kula midoobi karto ayaa ku gacan seyray suuragalnimada inay ku biirto maamulka Galmudug, kadib markii uu is casilay madaxweynihii maamulkaasi C/kariin Xuseen Guuleed.
Wadani.com