Kooxda Ahlu Suna ayaa ugu danbeyn maanta lagu dhawaaqay inay si buuxda amniga magaalada Magaalada Dhuusamareeb ugu wareejisay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Munaasabad ka dhacay magaalada oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirada arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow Ducaale iyo mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug , Xildhibaanno heer Federaal ah iyo Guddiga qaban-qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa looga dhawaaqay arrintan kadib toddobaad wadahadal ka socday magaaladaasi.
Wasiirka Wasaarada Amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya Mudane ; Maxamed Abukar Islow (Ducaale), ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya amniga Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ay si buuxda ula wareegtay ayna gacanta ku hayaan ciidamada dowladda hoos taga wixii maanta ka bilowda.
Sh Maxamed Shaakir Cali Xassan ,Madaxa Golaha Wasiirrada Galmudug , ayaa isna sheegay in Ciidanka amniga sugaya maahane kuwa kale la geyn doono goobo loogu talagalay, si aysan u dhicin is bar-bar yaac , wax walba oo quseeya amniga Caasimadana looga dambaynayo hay’adaha amniga
Soomaaliya.
Inkastoo tallaabadan ay tahay mid hore loo qaaday ayaa haddana Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad , qoraal uu soo saaray ku sheegay in ciidamada dowladda gacanta ku heyn doonaan amniga magaalada Dhuusamareeb inta laga qabanayo shirak Dibu heshiisiinta iyo Doorashada Galmudug, taasoo u muuqata in waqti kooban ay socon doonto arrintan.






