Maleeshiyada maamulka Ahlu Sunna ee Gobollada Dhexe ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday ciidamo uu la socday sarkaal ka tirsan Milateriga Soomaaliya inta u dhaxeysa Cadaado iyo Caabudwaaq.
Weerarkan oo ahaa mid maleeshiyada Ahlu suna ay jidka u galeen sarkaalka iyo ciidanka la socday ayaa waxaa dhaawac kasoo gaaray Cabdiweli Siyaad oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Xoogga ee Gobollada Dhexe.
Lama oga sababta Ahlu suna u weerartay saraakiisha ciidamada Milateriga, waxaana xaaladiisa la sheegay in dhaawaciiisa loo qaaday magaalada Muqdisho.
Sarkaalkan C/weli Siyaad ayaa wararku sheegayaan inuu hore uga goostay kooxda Ahlusunna ee gobollada Dhexe.
Wadani.com