Kooxda Ahlu suna ee gobollada Dhexe ayaa xabsiga dhigtay Ugaaska Beesha Ceyr Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaa Nuur oo la sheegay inay ka qabteen xilli uu doonayay inuu ka dhoofo garoonka magaalada Guriceel.
Ugaaska ayaa safarkiisa la sheegay inuu ku socday magaalada Muqdisho isagoo kadibna u socdaali lahaa dalka Sacuudiga oo uu cumro u tegi lahaa, laakiin waxaa garoonka ka celiyay ciidamo Ahlu suna ka tirsan oo ka hor istaagay safarka, isla markaana u kaxeeyay meel aan la ogeyn.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Ugaaska lagu celiyay hoygiisa, waxaana Ahlu suna ay shaki weyn ka qabtaa in Ugaaska uu saldhig ka dhigto Muqdisho xilligan kadibna u baqoolo Cadaado halkaasina uu ka mid noqdo Odayaasha soo xulaya Baarlamaanka cusub.
Ahlu Suna ayaa u muuqata inay dooneyso inay qasab ku heysato Ugaaska sidaasina ay sharciyad ugu hesho inay qeyb ka hesho xildhibbaanada labada aqal ee Baarlamaanka cusub.
Wadani.com