Ajaaniibta uu haleelay cudurka Coronavirus ee gudaha dalka Shiinaha ayaa sii kordhaysa, waxayna Wasaaradda Arrimaha dibadda dalkaasi ay shaacisay tiradooda.
Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa shaacisay in 27 qof Ajnabi ah ay gudaha Shiinaha ku qaadeen Cudurka Corona, iyadoo laba ka mida ay u dhinteen. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda China Geng Shuang ayaa xaqiijiyey in qof Mareykan ah uu cudurka u geeriyooday 6-dii bishan, halka qof kale oo Japan u dhashay uu isna u dhintay 8-da Bishan Febraayo.
Dhinaca kale Guddiga caafimaadka dalka Shiinaha ayaa shaacisay dhimashadii ugu badneyd maalin qura oo gaartay shalay 97 qof, waxayna Axadii shalay noqotay maalintii ugu geerida badneyd intii uu soo bilowday Coronavirus, waxaana tirada guud ee ilaa hadda cudurkan u dhintay ay gaartay 908 qof, halka dunida oo dhan ay cudurkan sidaan 40,171 qof.
Cabsida cudurkan ayaa dunida oo dhan saameysay, waxaana 25 dal ay la tacaalayaan karantiilka iyo xakameyntiisa markii uu gaaray faafista cudurkan.