Guddoonka Baarlamaanka ayaa ajendayaal cusub kusoo daray kulanka Berri ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo Sabtidii uu buuq ku dhammaaday, isla markaana Isniintii uu baaqday.
Farriin loo diray xildhibaannada ayaa lagu yiri: “M.ne Xil Beri oo Arbaca ah oo ay Tar 31 March, waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka. Agendaha: 1. Covid19 2. U Codeyn Laba Xubnood oo Guddiga M/B ee Xuduudaha 3. U Codeyn Sharciga Qaxootiga Qaranka Saacadu waa 09:00 subaxnimo”.
Kulanka Berri ayaa la sheegay inaan looga hadli doonin arrinta muddo kororsiga dowladda, kadib cadaadis ka yimid beesha Caalamka, waaana kulanka loo ogoleyn inay kasoo qeyb galaan 15 xildhibaan oo guddoomiyaha Baarlamaanka ka joojiyay shan kulan.
Ciidamada Amniga ee ku sugan baraha laga ilaaliyo Madaxtooyada ayaa la sheegay in lagu celin doono xildhibaannadan oo aan loo ogoleyn inay tagaan Madaxtooyada.
Xildhibaannadan ayaa ku adkeystay inay tegi doonaan, kana qeybgeli doonaan kulamada Baarlamaanka, wixii soo gaarana uu mas’uul ka yahay Maxamed Mursal Sheekh.
Xildhibaan Mahad Salad ayaa qoraalkan uga jawaabay farriinta loo diray xildhibaannada: “Fariinta Xildhibaanada loo soo diray ee lagu wargelinayo in uu jiro kulankii Golaha Shacabka beri oo Arbaco ah hada ayay na soo gaartay. Waanan tagaynaa kulankaas beri inshaa’allah. Wixii dhibaato ah oo nagu soo gaara sababta waraaqdii sharci darada ahayd ee Maxamed Mursal naga qoray 27 bishaan mas’uuliyadeeda isaga ayaa si shaqsi ah u qaadaya!”
