Guddiga joogtada ee Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ku yeshay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho, iyadoo uu guddoomiyey Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad.
Kulanka ayaa loogu hadlay furitaanka kalfadhiga 4-aad iyo sida loo kala hormarinayo shaqooyinka iyo ajendayaasha horyaalla golaha shacabka, waxaana lagu soo bandhigay shuruucda hada hortaalla guddiyada golaha shacabka, kuwa aqrinta koowaad iyo labaad maray iyo kuwa hada diyaarinta ay ku socdaan.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa kulanka ka sheegay muhiimada ay leedahay dardar gelinta howlaha muhiimka ee golaha shacabka laga doonayo inuu qabto kalfadhiga 4-aad.
“Mudanayaal waxa na sugaya shaqooyin muhiim ah oo u baahan in si wadajir ah oo dhaqso ah aan u qabano, kalfadhiga 4-aad shaqooyin muhiim ah oo adag ayaa nagala doonaya inaan qabano oo aan waajibkeena ka gudano”. ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka.
Guddoomiye Mahad ayaa si cad u sheegay in guddoonka golaha shacabka uu diyaar u yahay inuu diyaariyo khubaradii la shaqeyn lahaa guddiyada si sharciyada qaar loo dhameystiro.
Sidoo kale waxa uu sheegay in kulanka lagu soo bandhigay jadwalka shaqada kalfadhiga 4-aad iyo sida loo kala hormarin karo shaqooyinka, iyadoo gudiyadda la faray inay si wanaagsan u shaqeeyaa oo guddi waliba uu si adag uga shaqeeyo.
Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka ayaa 10-ka bisha September furmaya, iyadoo la faray dhammaan Xildhibaanada dalka ka maqan iney soo xaadiraan, waxaana la magacaabayaa guddiga qabanqaabada xafladda furitaanka kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka.