Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»AKHIRO: 5 Arrimood oo ay isaga mid yihiin Madaxweynayasha Farmajo & Xasan Sheekh [Faaqidaad]

    AKHIRO: 5 Arrimood oo ay isaga mid yihiin Madaxweynayasha Farmajo & Xasan Sheekh [Faaqidaad]

    February 10, 2019Updated:February 10, 20194 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Farmajo = Xasan Sheekh

    Madaxweyne Farmaajo

    1- DOORASHADA 2017: Maxamed C/llaahi (Farmaajo) wuxuu doorashada ku galay olole ay hormuud ka ahaayeen dhalinyaro, waxaana geed fadhi u ahaa saaxiibkii Fahad Yaasiin, iyadoo ay ku bixiyeen lacag lagu laaluushay xildhibaannada oo midkiiba la siiyey $30,000. [Caddeynta halkan]

    2- BALLANQAAD: Labadii sano ee ugu horeysay madaxweyne Farmaajo wuxuu ku fashilmay fulinta ballanqaadyadii uu sameeyay xilligii uu musharaxa ahaa, waxaana meesha ka baxay dhammaan sababihii uu doorashada ku galay oo ku soo wada noqday.

    3- MUSUQA: Madaxweyne Farmaajo wuxuu Xasan Sheekh kala mid noqday Musuqa, iyadoo Mooshinnada loo adeegsado laaluush, wuxuuna dhaqaale ku bixiyey xil ka qaadistii guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo doorashadii Madaxweynaha K/Galbeed ee uu ku soo baxay musharaxiii uu watay C/casiis Lafta-gareen. Xilliga Farmaajo waxaa si weyn u kordhay musuqa , waxayna Soomaaliya baaqi ku tahay dalka ugu musuqa badan dunida, iyadoo Farmaajo adeegsado musuq saaxiibo ku saleysan, Dowladda Farmaajo waxay soo kordhisay musuq kale oo salka ku haya lacago loo qoray dad aan shaqaale dowladeed ahayn oo baraha bulshada ka difaaca dowladda iyo Warbaahinta, waxayna halkeeda kasii miistay heshiisyadii ay gashay dowladii Xasan Sheekh ee mugdiga weyn ku jiray.

    4-SAFIIRADDA: Madaxweyne Farmaajo intii uu xilka hayey wuxuu si qarsoodi ah oo aan la shaacin u magacaabay safiiro gaaraya in ka badan 10, waxaana xilka laga qaaday tiradaas oo kale; Golaha Wasiirada ayaana la horgeeyay safiiro la ansixiyey magac ahaan iyadoo aan la sheegin safaaradda loo magacaabayo, qaarkoodna lama horgeynin Golaha Wasiirada. Arrintan waxay ahayd dhaxal uu ka tegay Xasan Sheekh oo Farmaajo dhaqan geliyey.


    5-SAFARADDA DIBADDA: Madaxweyne Farmaajo oo ololaha Doorashada ku galay inuu yareyn doono safarrada madaxweynaha ee dibadda, wuxuu nqoday madaxweynihii ugu safarka badnaa oo far dheeraaday Xasab Sheekh.

    Madaxweyne Xasan Sheekh

    DOORASHADA 2012: Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu ololaha doorashadiisii uu madaxweynaha ku noqday ku bixiyey kharash gaaraya $10,000, waxaana ololihiisa ka dhex muuqday saaxiibkiisii hore Fahad Yaasiin oo markii danbe ay isku dhaceen. Fahad ayaa ahaa saaxiibka ay wadaagaan labada madaxweyne ee kala danbeeyay, waxaana la sheegaa in lacagta doorashada ay bixiyaan dowlado shisheeye, Xasan Sheekh iyo Fahad Yaasin ayaa isku seegay khilaaf hoose oo keenay in Faarax C/qaadir iyo Fahad iska muuqan waayaan dowladdaasi, iyadoo uu tanaasulay kana baxay Fahad [Halkan ka akhriso].

    2-BALLANQAAD: Muddadii 2-da sano ee ugu horreysay dowladdii Xasan Sheekh inta badan ma fulin balanqaadyadiisii waaweynaa ee afarta tiir oo ay ugu caansaneyd arrimaha dhaqaalaha iyo Oraahadii caanka ahayd ee “In Qoyska Soomaaliyeed uu helo wax uu cuno marka uu Guriga u soo hoydo..”, waxaana balanqaayada doorashada ay ahaayeen kuwo aan la gaari karin.

    3- MUSUQA: Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh wuxuu caan ku ahaa in mooshinnada ka dhanka ah Ra’iisal wasaarayaasha dhaqaale u adeegsado. Musuqa Xasan Sheekh ayaa xowli ku bilowday sanad kadib xukunkiisa, wuxuuna ahaa Musuq Qaraabo ku dhisan. Dowladda Xasan Sheekh waxaa lagu calaamadeeyay tii ugu musuqa badneyd ee dalka soo marta xilliyadii dambe, taasoo ay ugu wacneyd ku takrifalka hantida guud iyo heshiisyo mugdi badan ku jiray oo lala galay shirkado Soomaali iyo Ajnabi leh. Wuxuu dadaal iyo lacag ku bixiyay si uu doorashadaii Galmudug ugu soo baxo saaxiibkiis C/kariin Guuleed. Xasan Sheekh iyo saaxiibadiisa waxay ogolaayeen in lala tartamo, laakiin kooxda Farmaajo awood ciidan ayay u adeegsadeen si aan musharaxooda looga adkaan. [Baydhaba iyo wixii ka dhacay]


    4-SAFIIRADDA: Xilligii uu Xasan Sheekh xilka hayey safiiradu waxay ahaayeen kuwo lagu gorgortamo oo lagu bixiyo heshiisyo beeleed iyo kuwo saaxiibo, waxaana magacaabidooda heshiis ku ahaa oo isla ogaa Madaxweynaha & Ra’iisal wasaaraha markaas jooga, iyadoo aanay Golaha Wasiirada la marin jiray oo kaliya ayna ku lahaayeen ansixin iyo magacyadooda oo la horkeeno.

    5-SAFARADDA DIBADDA: Xasan Sheekh intii uu ka talinayey Villa Somalia waxaa si weyn loogu eedeeyay safarrada faraha badan ee dibadda uu ku aado, waxayna noqdeen in doorashada lagu galo si loo yareeyo safarradaasi, laakiin Farmaajo ayaa ka badiyey tiro ahaan marka la is barbar dhigo labadii sano ee ugu horeeyay waqtigiisa.

    Inkastoo madaxweyne Farmaajo laba sano xilka haya, haddana arrimaha waaweyn ee dowladnimada tiirka ah wax weyn oo farqi ah uma dhaxeeyo isaga madaxweynihii ka horeeyay marka laga reebo in madaxda dowladda Farmaajo ay dadka marin habaabiyaan.

    Farmaajo Isbarbardhig Xasan Sheekh iyo Farmaajo Top Xasan Sheekh
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXildhibaan Fiqi: “30-kii Balanqaad ee Farmajo waxaa ka run noqday magaciisa” [Qiimeyntii ugu yaabka badneyd- DAAWO]
    Next Article Madaxaweynaha Puntland oo Goor dhow ku dhawaaqaya Golihiisa Wasiirada.

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo