Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Featured»Akhriso: Taariikh Nololeedka Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya Marxuum C/raxmaan Jibriil

    Akhriso: Taariikh Nololeedka Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya Marxuum C/raxmaan Jibriil

    March 8, 2019Updated:March 8, 20192 Mins Read Featured
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa maanta magaalada Dubai ku geeriyooday C/raxmaa Xoosh Jibriil oo ahaa wasiirkii dastuurka xukuumadda Soomaaliya, kadib xanuun qabtay xilli uu Imaaraadka u tegay arooska gabadh uu dhalay oo lagu magacaabo Sagal. Haddaba waxaan dib u eegeynaa Allaha u naxariistee taariikh nololeedka Wasiir Xoosh.

    Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil wuxuu sanadkii 1956 ku dhashay magaalada Jowhar isagoo bilowgii waxbarashadiisii ku soo qaatay magaalada Jowhar, wuxuu shahaaddada koowaad ka qaatay Jaamacadda Toronto isagoo diyaariyay Cilmiga Sociology-ga, kadibna wuxuu cilmiga Sharciga ka diyaariyay Iskuulka Osgoode Hall Law School ee jaamacadda York ee ku taalla Toronto, Canada.

    Marxuum Xoosh oo muddo Qareen ahaan uga shaqeeynayay dalka Canada ayaa ka soo shaqeeyay arrimaha Qaxootiga iyo Socdaalka, Qoyska, Shaqaalaha iyo arrimaha Xuquuda Aadanaha.

    Bartamihii sanadkii 2011kii, Marxuum Cabdi Xoosh waxaa loo magacaabay Wasiirkii Arrimaha Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiinta ee dowladii Kumeel-gaarka ahayd, intii lagu guda jiray sanadihii 2011-2012ka, wuxuu hogaaminayay qoristii iyo dhameystirka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya kaasoo la ansixiyay August 2012kii. Intaa Kadib wuxuu kamid noqday Xildhibaanadii Baarlamaankii 9aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo 2012-2016kii noqday Gudoomiyihii Guddi-hoosaadka Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaankii 9aad.

    C/raxmaan Xoosh Jibriil

    Sanadihii 2013kii illaa 2018-ka, C/raxmaan Xoosh wuxuu la shaqeynayay oo uu ahaa Xubin Sare ee Arrimaha Siyaasadda ee Machadka Dhaqaalaha iyo arrimaha Siyaasadda Bulshada ee Geeska Afrika ee loo yaqaano HESPI isagoo Macahadka kala talinayay arrimaha Sharciga Dastuurka, Federaaleynta iyo Daadejinta Maamulka, Xuquuqda Aadanaha, Sareeynta Sahrciga, Maamulka iyo arrimaha Garsoorka ee bulshooyinka khilaafyada ka soo kabsaday.

    Bishii March 2017kii, Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil waxaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

    Wasiirka wuxuu ahaa shaqsi wanaag badan oo si aad u wanaagsan oo isku mid ah ula dhaqmi jiray dhamaan howlwadeenada Wasaaradda, kan ugu hooseya ilaa midka ugu sareeya.

    C/raxmaan Xoosh Geeri
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGuddiga Qabanqaabadda Aaska Qaran ee marxuum C/raxmaan Xoosh oo la magacaabay [Akhriso]
    Next Article Qarax Culus Caawa laga maqlay Magaalada Muqdisho & Wararkii ugu danbeeyay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo