Guddiga Doorashada Dadban ayaa musharaxnimada ka xayuubiyay musharixii ugu horeeyay ee dagaal u adeegsada Doorosahda 2016.
War ay Guddiga doorashooyinka soo saareen maanta oo looga hadlay xaaladda doorashada ayaa lagu cadeeyay in tallaabo laga qaaday xildoone (Musharax) weerar geystay.
Talaabooyinkii la qaaday waxaa ka mid ah in xil doone weerar gaystay lagu qaadayo tallaabooyin sharciyadeed isla mar ahaantaasna laga xayuubiyey in uu u tartamo xildhibaannimo doorashooyinka 2016ka sida ku cad Xeer Anshaha Musharraxiinta.
Dhacdada weerarka ayaa aakhirkii bishii Oktoobar ka dhacday magaalada Baydhaba, waxaana ku dhintay 3 askari oo hubeysan kadib markii musharax ku taagan xilka Baarlamaanka Aqalka hoose uu weerar ku qaaday musharax kale oo kursiga kula tartamayay.
Musharaxa weerarka qaaday ayaan la shaacin magaciisa, waxayse wararka laga helayo magaalada Baydhaba sheegayaan in lagu magacaabo Bashiir Maxamed Xabashow oo si weyn looga yaqaan Gobolka. Dhacdada oo ahayd tii ugu horeysay ee arrimaha doorashada ka dhacda ayaa waxaa xaqiijiyay wasiirka amniga maamulka K/Galbeed C/fataax Geesey.
Wadani.com