Qoraal lagu daabacay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay inuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir xilkii ka qaaday Agaasimihii Waaxda Dab-damiska dowlada hoose Xamar Cabdullaahi Maxamed Cabdulle ( Saney) oo maanta shaaciyay inuu iska casilay xilkaasi.
Qoraal uu ku saxiixan yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale kuna taariikheysan 4 Febraayo 2017 balse maanta la soo saaray ayaa ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Waaxda Dab-damiska dowlada hoose, laakiin waxaa isla qoraalka ku cad in loo magacaabay Cabdullaahi Maxamed Cabdulle ( Saney) xil kale oo ah Agaasimaha Waaxda Arrimaha dibada ee dowlada hoose.
Arrintan ayaa muuqata isku dhex yaac heysta xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana muuqata in qoraalka loo qoray si degdeg ah oo aan laga fiirsan.
Agaasimaha xilka laga qaaday ayaa maamulka Gobolka Banaadir ku eedeeyay inaysan wax xuquuq ah siinin shaqaalaha waaxda Dab-damiska, isla markaana uu xilkaasi uga tegay daryeel la’aanta shaqaalaha.
HOOS KA KA AKHRI WAREEGTADA
Wadani.com