Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»Akhriso: 11 Qodob oo Midowga Musharixiinta ku diideen Habraacyadii Doorashada & Digniin ka timid

    Akhriso: 11 Qodob oo Midowga Musharixiinta ku diideen Habraacyadii Doorashada & Digniin ka timid

    August 23, 2021Updated:August 23, 20213 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Midowga Musharixiinta ayaa diiday Habraacyadii ay xalay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran ee ku saabsanaa Doorashooyinka Dadban ee 2021.

    Qoraal ka kooban 11 Qodob ayaa looga digay colaad uu dhaliyo Habraacaasi oo Doorashadii u bedelay magacaabis. “Goluhu wuxuu si adag u diidayaa habraacii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ee ku aaddan doorashooyinka mudanayaasha Golaha Shacabka, gaar ahaan qodobbada la xariira Oday dhaqameedka, magacaabista bulshada rayadka ah, xulista, xaqiijinta, dabagalka iyo diiwan gelinta ergooyinka oo dhamaantood gacanta loo geliyey madaxda dawlad Goboleedyada” ayaa lagu yiri qoraalka Musharxiinta.

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA

    Goluhu wuxuu u arkaa habraaca doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka soo baxay Golaha Watashiga in uu khilaafsan yahay dastuurka dalka iyo heshiiskii 27 Maajo oo dhigaya in doorashooyinka ay ku dhacaan si cadaalad ah, xor iyo xalaalna ah.

    Goluhu wuxuu in muddo ah hortaagnaa isku daygii uu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamad C/llaahi Farmaajo ku doonayey in uu doorashooyinka dalka ku boobo. Waxaan suuragalahayn in Golaha Wadatashiga Qaran ay dhaqankii Farmaajo laga diiday u dabamareeyaan. Goluhu wuxuu u arkaa in habraacu uu dusha sare magac doorasho ka sito, laakiin gudahiisa uu magacaabis yahay, wuxuuna ka digayaa cawaaqib xumida ka dhalan karta doorasho la boobo ama lagu shubto oo ay ka mid tahay.

    1- Colaad sokeeye sida haatan deriskeena iyo dalalka kale ee nala midka ah ka dhacday.

    2- In shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkuba ay ka aamin baxaan natijada doorasho boob iyo ku shubasho ah.

    3- In nidaamkii dawladnimada uu waayo sharciyadda iyo aqoonsiga shacabka, waxgaradka iyo siyaasiyiinta doonaysa dawladnimo sax ah.

    4- In kooxaha xag jirka ah ka macaashaan aanada iyo tabashada ka dhalata boobka doorashada.

    Haddaba Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Golaha Wadatashiga Qaran in ay dib uga fiirsadaan go’aannada ay qaateen. Wuxuuna Goluhu soo jeedinayaa in

    1-135-kii oday dhaqameed ee loo aqoonsanaa hoggaanka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ay saldhig u noqdaan soo xulista ergooyinka dooranaya xildhibaannada Golaha Shacabka.

    2- Maadaama uu Golaha Shacabka metelo beelaha, waa in odayaasha dhaqanka oo kaashaanaya nabadoonada iyo caaqilada jufada kursiga ku astaysan loo madaxbaneeyo xulista ergooyinka, kaalinta dawlad goboleedka ay ku ekaato fududaynta iyo amniga doorashooyinka.

    3- In la suuliyo caqabadaha badan ee lagu gudbay doorashooyinka, gaar ahaan kuwa la xariira denbi baarista iyo qarashaadka lagu cusleeyey tartamayaasha iyo ergada.

    4- In la waqtiyeeyo jadwalka doorashada oo laba jeer xiligeeda horay dib uga dhacday

    5- In doorashadu ay ka dhacdo goob dhexdhexaad ah oo amnigeeda sugan yahay, Amniga goobta ay si wadajir ahu sugaan Booliska dawlad goboleedka, federaalka iyo AMISOM, iyagoo ilaalinaya nabadgelyada goobta, islamarkaana fursad galaangal oo siman u sinaya musharaxiinta
    u tartamaya xilka xildhibaanimo.

    6- In aan Xubnihii Baarlamaankii hore baaritaan laguma celi, halka tartamaha cusub ee xilka xildhiban looga joojin karo oo keli ah fal danbiyeed ay Maxkamad xukuntay, iyo in lagu hayo fal argagexiso oo cadayn leh.

    7- Si loo kala saaro go’aanada siyaasada iyo hawlaha farsamo, waa in Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal loo madaxbaneeyo kaalinta farsamo ee hirgelinta doorashooyinka.

    Goluhu wuxuu ku adkaysanayaa in doorashadu ay noqoto mid xor ah oo xalaal ah, taas oo ah dan qaran oo masiiri ah, kana gudubsan danta tartame kasta ee xilliga dhaw.
    Ugu danbayn Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba inay kaalintooda ka qaataan sidii doorashadu ay ku noqon lahay mid xor ah oo sharciyad haysata.

    Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDEGDEG: Midowga Musharixiinta oo si adag uga hor yimid Habraacyadii Rooble iyo Mamuul Goboleedyada
    Next Article Daalibaan oo isku hareereeyay Dooxo ay isku urursadeen Koox ka horjeeda iyo Ciidamada Dowladii la riday

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo