Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, July 2
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»AKHRISO: 18 Qodob oo lasoo baxay shirka Warbaahineed nooc cusub ah oo ka dhacay Muqdisho

    AKHRISO: 18 Qodob oo lasoo baxay shirka Warbaahineed nooc cusub ah oo ka dhacay Muqdisho

    November 5, 20176 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kullanka, ayaa socday muddo shan maalmood ah 31dii Oktoober ilaa 04tii November, 2017.

    Shirkan u furay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow). Sidoo kale Waxaa ka soo qaybgalay Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dhaqanka ee Puntland Mudane Abdifatah Nur Ashkir, Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Tiknolojiyada Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Cabdinur Cali Adan, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Bulshada ee Koofur-Galbeed Mudane Xasan Cabdi Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Hannuuninta, Dhaqanka & Dalxiiska ee GalMudug Maxamuud Aadan Cusmaan (Masagawaa), Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska HirShabelle, Mahad Xassan Cusmaan, Agaasimaha Warbaahinta G/Banaadir Abdifatah Arizona, Guddiga Saxaafada iyo Isgaarsiinta Golaha Shacabka Soomaaliya, iyo Guddoomiyaha Guddiga Saxaafada Aqalka Sare Senator Muna Hassan. Waxaa kaloo shirka ka qeybgalay Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Mudane, Dr.Axmed Cali Daahir , iyo Bahda Warbaahinta qeybaheeda kala duwan, sida NUSOJ, SWJ, SOMA, SIMHA, iyo kuwa kale.

    Kulanka 5-ta cisho socday, ayaa looga dooday qodobada ay ka mid yihiin:

    1- Xoojinta Iskaashiga Qaybaha Kala Duwan Ee warbaahinta dalka kadib Masiibadi 14 iyo 28-ka Oktoobar,
    2- Mideynta Hawlaha Iyo Fariimaha Warbaahinta Dowliga ah ee Soomaaliya.
    3- Dib u eegista Xeerka Saxaafadda, iyadoo Guddiga Golaha Shacabka warbixin laga dheagaystay.
    4- Doodda Wadatashiga xasilinta dalka ee Doorka dowladaha bulshada, saxaafadda gaarka loo leeyahay.
    5- Istaraatiijiyadda Wacyigalinta iyo Istaraatiijiyadda Horumarinta Warbaahinta Dalka

    Waxaa lagu heshiiyay qoddobadan soo socda:

    1- Ka qeybgalayaashu, waxay u mahad celiyeen Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka iyo Wasaaradaha Warfaafinta Dawladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, sida wanaagsan ee ay u soo abaabushay shirkan muhiimka ah.

    2- Ka qeybgalayaashu, waxay soo dhoweeyeen una mahadceliyeen madaxda iyo suxuufiyiinta warbaahinta ee doorkooda ku aadan wadatashiga iyo soo gudbinta fikradahooda la xiriira qodobada looga dooday shirka. Sidoo kale waxaa lagu ammaanay warbaahinta doorkii ay ka qaateen gurmadka dadkii waxyeeladu ka soo gaartay Masiibadii Qaran ee 14kii iyo 28kii Oktoober 2017 kuna dhiirigeliyey inay joogteeyaan.

    3- Ka qeybgalayaashu, waxay isla qiimeeyeen baaxadda ay Lahayd musiibadii 14 iyo 28kii Oktoober iyo 28kii Oktoober ka dhacday magaalada Muqdisho iyo sidii gacan looga gaysan lahaa sii wadidda taakuleynta dadkii dhibaatadu saamaysay loogana midoobi lahaa masiibooyinka qaranka.

    4-Ka qeybgalayaashu, waxay soo jeediyeen Wasaaradda Warfaafinta Federaalka iyo Wasaaradaha Warfaafinta Dawladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,  in ay ka wada tashtaan si cadaalad ku salaysanna u qeybsadaan dhammaan mashaariicda warbaahinta ee hay’adaha caalamku ay ugu yaboohaan dalka.

    5-  Ka qeybgalayaashu, waxay xuseen in Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah dowladda dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku midoobaan dhaqangelinta Wacyigelinta Bulshada sida Abaaraha, Amniga, la dagaalanka Musuqmaasuqa, Dib-uheshiinta, Dowlad-wanaagga, La dagaalanka Jahliga iyo Fikirka xagjirka ah. Waxaana la isla gartay in si mideysan, oo xilkasnimo leh looga wada howlgalo diyaarinta Qorshaha iyo Istraatejiyadda Wacyigelinta.

    6- Ka qeybgalayaashu, waxay isla qaateen in warbaahinta dowliga ay gudbiso farriimo mideysan, oo u adeegaya danaha Qaranka Soomaaliyeed, ayna xoogga saarto ka hortagga fikirka xagjirka ah, isla markaana la helo xarun dhexe oo soo saarta barnaamijyo si rasmi ah ugu wajahan ka hortagga fikirkaas, kadibna laga baahiyo qeybaha kala duwan ee warbaahinta qaranka heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

    7- Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen baahida loo qabo in la dhameystiro istaraatiijiyada Warbaahinta Qaranka si loo dhaqangeliyo.

    8- Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen in la dhiso guddi farsamo, oo ka kooban dhamaan dhinacyada, oo ka shaqeyn doona dhamaystirka istaraatiijiyadda wacyigalinta iyo in uu kormeer joogto ah ku sameeyo guddigaasi ka wada shaqeynta arrimaha soo kordha.

    9- Ka qeybgalayaashu, waxay ammaan iyo mahadcelin u jeediyeen dawladaha iyo hay’adaha taageera warbaahinta Soomaaliyeed, waxayna ugu baaqeen in ay sii xoojiyaan taageeradooda xilligan warbaahinta Soomaaliyeed gelayso marxaladda cusub, ayna si buuxda ula shaqeeyaan.

    10- Ka qeybgalayaashu, waxay soo dhoweeyeen abuurista xafiiska Istaraatiijiyadda Warbaahinta dalka, iyadoo ay dhinac ka ahaan doonaan xafiisyadaas Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowlad Goboleedyada, waxayna soo jeediyeen in si deg deg ah loo howlgaliyo xafiiskaas, oo mas’uul ka ahaan doona mideynta iyo hagista fariimaha warbaahinta dalka.

    11- Ka qeybgalayaashu, waxay isla qaateen in saxaafada aan loo adeegsan dhinaca xun ee loo adeegsado dhinaca wanaagsan, lagana fogaado hadalada iyo wararka been abuurka ah.

    12- Ka Qeybgalayaashu waxey u mahadceliyay Guddiga Saxaafadda ee Golaha Shacabka sida ay wadatashiyo ula sameeyeen bahda saxaafadda iyo wasiirada dowlad goboleeyda, Waxayna ugu baaqeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare in ay si hufan u meemariyaan sharciga saxaafadda, si loo dhaqangaliyo.

    13- Ka qeybgalayaashu, waxay tilmaameen ahmiyadda dhamaystirka xeerka saxaafadda, waxayna ku baaqeen in tallooyinka Dowladaha xubnaha ka ah DFS lagu soo daraa ka dibna marka la isku raaco ay Guddiga Saxaafada ee Baarlamaanka Soomaaliya horgeeyaan G/Shacabka si loo ansixiyo.

    14- Ka Qeybgalayaashu waxey u mahadceliyay Guddiga Saxaafadda ee Golaha Shacabka sida ay wadatashiyo ula sameeyeen bahda saxaafadda iyo wasiirada dowlad goboleeyda, Waxayna ugu baaqeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare in ay si hufan u meemariyaan sharciga saxaafadda, si loo dhaqangaliyo.

    15- Ka qeybgalayaashu, waxay ku heshiiyeen in shirkan la joogteeyo, laguna qabto Dhamaan xarumaha Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, xilliyo kala duwan, iyadoo kan ugu horeeya la isku raacay in uu ka dhaco magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

    16- Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen in Warbaahinta Dowladda ahmiyad siiso wadashaqeyntooda, iyagoo heshiisyo wadashaqeyn kala saxiixday, islana gartay in la sii xoojiyo wadashaqeynta iyo xiriirkooda.

    17- Ka qeybgalayaashu, waxey ka qeybgaleen xaflada lagu xusayo maalinta isla xisaabtanka falalka dambiyada ah si loo sharciga loo horgeeyo dadka dambiilayaasha ah (Impunity Day), iyagoo ka codsaday hay’adaha amniga iyo garsoorka inay dabagal ku sameeyaan sidii sharciga loo horkeeni lahaa dhammaan danbiilayaasha ku xad-gudbay wariyeyaasha Soomaaliyeed. Waxeyna dawlada ka codsadeen inay abuurto jawi xasiloon oo amni iyo nabadeyn ka jirto si wariyeyaasha ay howlahooda u gutaan si daacad ah.

    18- Ka Qeybgalayaashu, waxay isku raaceen in Bahda Warbaahinta iyagoo la tashanaya wasaaradaha warfaafinta heer Federaal iyo Dawladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya in guddi farsamo loo saaro oo soo diyaariya Anshaxa weriyeyaasha (code of ethics) sida uu farayo Xeerka Saxaafada.

    MAHADSANIDIIN

    Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Dawladda Federaalka
    Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow).

    Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dhaqanka ee Puntland.
    Mudane, Abdifatah Nur Ashkir.

    Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Technologiyada ee Jubbaland
    Mudane Cabdinur Cali Adan.

    Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Bulshada ee Koofur-Galbeed
    Mudane Xasan Cabdi Maxamed.

    Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Hannuuninta, Dhaqanka & Dalxiiska ee GalMudug
    Maxamuud Aadan Cusmaan (Masagawaa).

    Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee HirShabeelle,
    Mudane, Mahad Xassan Cusmaan.

     

    Alshabaab Muqdisho Shirk Warbaahinta Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGuddiga Gurmadka Puntland oo lagu soo dhoweeyay Magaalada Muqdisho [Sawirro]
    Next Article AMISOM oo ku dhawaaqday Qorshe cusub oo Dib u habeyn ah oo Itoobiya ka dambeyso

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo