Waxa maanta magaalada Baydbaba lagu doortay saddex xildhibaan oo ka mid noqonaya Baarlamaanka Federaalka Somalia, kadib markii kuraastaasi ay banneeyeen xildhibaano hore loogu doortay.
Xildhibaannada lagu doortay Baydhaba waxay kala yihiin: Cali Seekh Cabdullaahi (Cali Afgooye), Nuur Siidow Baaba Xasan iyo Cali Cadow Maxamed, waxayna saddex doarasho ka sinnaayeen in lasii ogaa xubnaha ku soo baxaya, iyadoo guddigad Doorashada ee qabanqaabiyey doorashada uu ansixiyey doorashadaasi.

Xildhibaan Cali Afgooye ayaa helay dhammaan codadkii 51-dii ergo, markii mushaxii la sheegay inuu la tartamayo ee Siid-cali Cismaan Xuseen la sheegay inuu dalkaba ka maqan yahay, isagoo la dhashay xildhibaankii kursiga banneeyay oo ahaa agaasimihii hore ee NISA iyo musharax madaxweyne maamulka K/Galbeed Xuseen Cismaan Xuseen.
Waxaa kaloo la doortay Nuur Siidow Baaba Xasan oo ku guuleystay kursiga labaad, wuxuuna 48 cod, iyagoo ergadu ahayd 50; musharixii la tartamay ee Fiqi Cabdullaahi Mayow ayaa elay hal cod oo kaliya, iyadoo cod kale uu xumaaday. Kursiga ayaa waxaa ka geeriyooday Xildhibaan hore Korneyl Ruush.
Doorashada saddexaad waxaa ku soo baxay Cali Cadow Maxamed oo helay 28 cod, iyadoo ay la tartameen C/casiis Cali Macalin iyo Shamso Ibraahin Maxamuud. Kursigan waxaa iska casilay Cabdicasiis Lafta-Gareen oo noqday Madaxweynaha Koofur Galbeed.