Guddiga Doorashooyinka Baarlamaanka labaad ee maamulka Galmudug ayaa maanta soo saaray shuruudaha laga doonayo musharixiinta u tartamaya xika guddoomiyaha cusub baarlamanka Galmudug iyo ku xigeenadiisa.
Shuruudaha guddiga ay soo saareen oo ka kooban 8 qodob, waxaana ugu muhiimsan: Inuu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo ka soo jeeda deegaannada Galmudug, iyo inuu heysto Shahaado Jaamacadeed ama wax u dhigma, isla markaana uu leeyahay ugu yaraan uu leeyahay 5-sano oo khibrad hoggaamin maamul.
Dhinaca kale musharaxa guddoomiyaha ayaa waxaa sidoo kale laga rabaa bixinta lacag is-diiwangelin ah oo dhan 10,000 oo dollar ah, halka musharaxa guddoomiye ku-xigeenka koowaad laga rabo $5,000, iyo guddoomiye ku xigeenka labaad oo laga doonayo $2,500.
