Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»AKHRISO: 9 Qodob oo ku jiray Khudbadii Madaxweynaha Turkiga ee Dilka Saxafiga Jamal Kashoqgi

    AKHRISO: 9 Qodob oo ku jiray Khudbadii Madaxweynaha Turkiga ee Dilka Saxafiga Jamal Kashoqgi

    October 23, 2018Updated:October 23, 20182 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Turkiga ayaa khudbad uu ka jeediyay magaalada Ankara uga hadlay dilka saxafiga Sacuudiga ee caanka ahaa Jamal Kashoqgi, iyadoo si weyn loo sugayey khudbadan.

    Erdogan oo aan soo bandhigin xog cusub oo ku saabsan kiiska dilka saxafiga Jamal  Kashoqgi ayaa dhinaca kale si farsameysan uga hadlay xaaladdaha ku wareegsan kiiskan, wuxuuna meesha ka saaray farisaaradda Sacuudiga, isagoo dalbaday in baaritaan caalami ah lagu sameeyo.

    HOOS KA AKHRISO QODOBADDA UGU MUHIIMSANAA KHUDBADII MADAXWEYNE ERDOGAN:

    1- Dilka Saxafiga Jamal Kashoqgi wuxuu ahaa mid si weyn looga shaqeeyay iyo shirqool fool xun oo aan ahayn dhacdo iyo arrin ku timid dagaal ka dhacay Qunsuliyadda.

    2- In saddex xubnood ka tirsan sirdoonka Sacuudiga ay kormeer ku sameeyeen keymaha duleedka magaalada Istanbul ka hor intii aanu dhicin dilka Saxafiga Jamal Kashoqgi [si loogu qariyo jirkiisa].

    3- Wuxuu Erdogan dalbaday in Sacuudigu caddeeyo kiiskan iyo dadka ku lugta leh heer hoose ilaa heer sare [Cidda amartay iyo ciddii soo dirtay kooxda dilka geysatay].

    4- Wuxuu ka dalbaday in 18-ka qof ee ku eedeysan dilka Saxafiga in Turkiga lagu maxkamadeeyo oo ah halkii uu dembigu ka dhacay.

    5- Wuxuu sheegay inuu weli baaritaanku socdo, wuxuuna soo dhoweeyay baaritaan caalami ah oo lagu sameeyay kiiskan dilka Jamal Kashoqgi.

    6- Inay jiraan dalal taageero ka geystay kiiskan oo ku lug yeesahy dilka Saxafiga Sacuudiga, kuwaasoo ay tahay in la caddeeyo

    7- Wuxuu marar badan amaan iyo bogaadin u jeediyey boqorka Sacuudiga Salman Bin C/casiis, isagoo aan soo hadal qaadin dhaxal-sugaha dalkaasi Mohamed Bin Salman oo fartu ku godan tahay.

    8- Wuxuu ugu baaqay Boqorka Sacuudiga inaan kiiskan lagu koobin 18-ka qof ee ku eedeysan ee cadaaladdu ay gaarto kuwii amray iyo madaxdii soo dirtay kooxda dilka fulisay.

    9- In dib loo eego heshiiska Diblomaasiyadda ee Veina, kasoo caqabad ku noqday in xilligii loo baahnaa la galo lana baaro Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul ee dilku ka dhacay.

    Madaxweynaha Turkiga ayaa khudbadiisa laag fahmay inuusan soo bandhigin xogta kiiskan oo dhan oo weli baaritaankiisa uu socdo, wuxuuse caddeeyay in si waxashnimo ah loo dilay saxafiga, isagoo mas’uuliyadda oo dhan dusha ka saaray Boqortooyada Sacuudiga.

    Xisbiyada Mucaaradka Turkiga ayaa si weyn u dhaliilay madaxweynaha Turkiga inuu u debecsanaaday Sacuudiga isagoo dambi ka dhacay Turkiga ka sugayo cadaalad ka timaada Sacuudiga, taasina ay tahay mid aan la aqbali karin.

    Erdogan Jamal Kashoqgi Saudi Top Turkey
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamada AMISOM & kuwa Dowladda oo la wareegay Degaan ay Alshabaab qabsadeen 3 sano ka hor
    Next Article Ra’iisal Wasaare Kheyre oo boqolaal Ciidamo ah kula hadlay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo