Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay mar kale dib u dhacdo, iyadoo dhowaan la doortay guddoonka cusub ee Baarlamaanka Federaalka.
Qorshaha Doorashada Madaxweynaha ayaa ah howsha ugu horeysa uguna adag ee hortaalla Baarlamaanka, laakiin waxaa arrinta sii adkeeyay aqalka sare ee Baarlamaanka oo wax ka dooranaya Madaxweynaha, kaasoo aan weli la soo dhameystirin.
Howlaha ka horeeya Doorashada madaxweynaha waxay kala yihiin:
- Dhameytirka Doorashada Aqalka sare oo 5 xubnood ka harsan yihiin.
- Dhaarinta xildhibaanada Aqalka sare
- Doorashada Guddoonka cusub ee Aqalka Sare.
- Magacaabidda Guddiga Doorashada Madaxweynaha (oo su’aal ka taagan tahay inuu labada aqal ka dhaxeyn doono iyo in kale).
Arrimahaas oo dhan ayaa hadda caqabad ku ah, waxaana markii ugu horeysay isku dhici doona labada aqal haddii Baarlamaanku isku dayo inuu keligiis magacaabi Guddiga Doorashada Madaxweynaha.
Saadaasha ayaa muujineysa in doorashada madaxweynaha ay u dhici doono bartaha Bisha Febraayo iyo wixii ka danbeeya, taasoo sii dib u sii riixeysa Doorashada lagu waday inay ku dhacdo sanadkii tegay ee 2016.
Wadani.com