Qaar ka tirsan Xildhibaanadii labada aqal ee tegay magaalada Cadaado ayaa so saaray Bayaan ay ku faahfaahiyeen wixii u qabsoomay, iyadoo ka deyriyay khilaafka madaxda Galmudug.
Bayaan uu saxaafadda u akhriyay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa nuxurkiisu ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Madaxweyne ku xigeenka ay diideen in la furo wada-xaajood lagu heshiisiinayo madaxda Galmudug. halka uu ogaaday madaxweyne Xaaf.
Hore ayaa shaki looga muujiyay xildhibaannadan oo la sheegay inay taageersan yihiin madaxweynaha Galmudug, halka kuwii ay jaalka ahaayeen guddoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenka Muqdisho lagu celiyay.
HOOS KA AKHRISO BAYAANKA AY SOO SAAREEN
1. Wafdi ka kooban Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaasoo deegaan doorashadoodu tahay Dowlad Goboleedka Galmudug, waxey booqasho howleed ku yimaadeen caasimada ku meelgaarka ah ee Cadaado 27 September 2017, safarkaas oo ujeedadiisu ahayd xal u helida ismaandhaafka soo kala dhex
2. Wafdiga Xildhibaanadu waxey kulamo gaar gaar ah la qaateen Madaxweynaha Galmudug, Madaxweyne ku-xigeenka, Gudoomiyaha Barlamaanka iyo labada ku-xigeen.
3. Sidoo kale Xildhibaanadu waxey kulamo gaar ah la yeesheen odoyaasha dhaqanka Galmudug iyo qeybaha kale ee bulshada, kuwaasoo dareen iyo walaac ka muujiyey isqabqabsiga siyaasadeed ee hogaanka sare Galmudug ka soo ifbaxday, ayagoo ku taliyey in maamulka la heshiisiiyo, muujiyena in aysan aqbali karin qalalaase siyaasadeed oo dibadda laga soo abaabulay.
4. Kadib wada hadalo dheer oo aan la yeelay dhinacyada khilaafku u dhaxeeyo waxaan ku guuleysanay marka hore in aan isoo horfariisano hogaanka u sareeya Galmudug, iyaga oo iskaga garaabay tabashooyinkii shaqsiyadeed ee ka dhaxeeyay mudadii ay wada shaqeynayeen. 2
5. Intaas kadib, waxaan dadaal dheer ku bixinay sidii xal kama danbeys ah loogu heli lahaa is afgarawaaga ka dhashay kala aragti duwanaansho madadxa Galmudug ee dhanka maamulka iyo siyaasadda.
6. Waxaan ka codsanay labada dhinac in ay noo talo dhiibtaan, si aan xal uga wada gaarno khilaafkooda siyaasadeed iyo midka maamulba. Nasiib wanaag Madaxweyne Ahmed Ducaale Geele waa innaga ogolaaday inuu u hugaansamo talo soo jeedinta Xildhibaanada iyo wixii go’aamo ah oo ay xal u arkaan intaba. Waxaa ayaan daro noqotay in dhanka kale oo kale ah Madaxweyne ku-xigeenka, Gudoomiyaha Barlamaanka iyo ku-xigeenka labaad ay diideen in ay ogolaadaan furidda wada xaajoodka, iyaga oo ku adkeystay in ay xal u arkaan in Madaxweyne Ahmed Ducaale Geele u hugaansamo go’aankii Barlamaanka Galmudug 26 September 2017.
7. Wafdiga Xildhibaanada waxa uu dul istaagay, xaqiijiyayna in mas’uuliyiin sarsare oo katirsan Madaxtooyada Soomaaliya iyo dad u adeegaya si qaawan faragelin ugu sameeyeen duminta maamulka Galmudug. Iyaga oo soo abaabulay murashax madaxweyne oo lagu maalgeliyay hantidii qaranka, isla markaana ciidamadii qaranku ilaalinayaan, taasoo wiiqeysa kalsnoonida iyo wada shaqeynta Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug.
8. Waxaa inoo cadaatay in isku daygii xilka qaadista Madaxweynaha Galmudug lagu qabtay hotel u kireysan Murashaxaasi, aysana shir gudoomin Gudoomiyihii Barlamaanka iyo ku xigeenadiisii. 3
9. Waxaan xaqiijinay in maleeshiyo beeleedyo iyo hub farabadan oo ay wataan kana amar qaadan maamulka Galmudug ay hada si muuqaal xoogan leh ugu suganyihiin magaalada Cadaado taasoo sababi karta qalqal amni.
10.Waxaa inoo soo baxday markaan aragnay xaaladaha amni, bini’aadamnimo ee deegaanka ka jirta iyo xaalada siyaasadeed ee sii kala fogaaneysa maamulka Galmudug,
Waxaan soo jeedinaynaa talooyinka soo socda:
I. Waxaan ugu baaqeynaa shacabka reer Galmudug sida Odoyaasha Dhaqanka, Culumodiinka, Ganacsatada, Haweenka, Dhalinyarada iyo qaybaha kale ee bulshada in ay u istaagaan ilaalinta amniga iyo xasiloonida deegaanada Galmudug.
II. Sidoo kale mas’uuliyiinta Galmudug waxaan usoo jeedinaynaa inay u guntadaan in ay khilaafaadkooda ku xalistaan wada hadal, degenaan iyo is-afgarad.
III. Waxaan uga digeynaa Madaxtooyada Soomaaliya faragelinta ay ku hayso Dowlad Goboleedka Galmudug. Taas oo horseedi karta burbur iyo xasilooni daro ku timaada Maamulka iyo deegaaada Galmudug.
IV. Waxaan uga digeynaa Xukuumada Soomaaliya in faragelin ay ku sameyso maamulka Galmudug, isla markaana ay soo saaraan waraaqo aan ka turjumayn xaqiiqada jirta.
V. Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan Dowlad Goboleedyada Soomaaliya waxaan ka codsanaynaa in ay dadaal ku bixiyaan isu soo dhaweynta iyo xalinta khilaafka u dhaxeeya madaxda Galmudug. Sidoo kale in ay hor istaagaan isu day kasta oo lagu cuuryaaminayo nidaamka ku dhisan federaalka ee ka hana qaaday Soomaaliya.
VI. Beesha caalamka waxaan ugu baaqeynaa inay gargaar deg deg ah lasoo gaarto dadka abaartu halakeysay ee deegaanada Galmudug.
Wabillaahi Tawfiiq.