Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa isku shaandheyn kooban ku sameeyay xukuumadiisa, isagoo xilalkii ka qaaday saddex wasiir oo laba kamida ay ahaayeen kuwa ugu waaweyn xukuumadda.
Xil ka qaadista ayaa keentay in laba beelood loo kala wareejiyo xilalka wasiirada ee lagu xisaabtamo oo kala ah: Arrimaha Gudaha iyo Dibadda, waxaana Beesha Hawiye ay qabaneysaa xilka Arrimaha Gudaha, halka Beesha Daarood loo dhiibay xilka Arrimaha dabdda, arrintan oo qeyb ka ah awood qeybsiga 4.5.
Hoos ka akhriso Wasiirada cusub iyo Beelaha ay kasoo jeedaan:
1- Danjire Axmed Ciise Cawad – Beesha Majeerteen ah, waxaana loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Debadda. [Waxaa xilkan hore u hayay Yusuuf Garaad Cumar -Ceyr / H/Gidir].
2- Mudane Cabdi Maxamed Sabriye -Ceyr /Beesha Habargidir waxaa loo loo magacaabay Wasirka Arrimaha Gudaha. [Waxaa xilkan hore u hayey Cabdi Faarax Juxa Majeerteen].
3- Mudane Maxamed Cadi Xayir (Maareeye) Beesha Isaaq / Habar Jeclo waxa loo magacaabay Ganacsiga iyo Warshadaha. [Waxba iskama bedelin Beel ahaan].
Laba xil ee arrimaha dibadda iyo Gudaha ayaa ahaa kuwa ugu muhiimsan dowladda Federaalka oo marar badan ay isku bedeleen beelaha Soomaalida marka laga reebo labada beelood ee Raxanweyn iyo Beesha Shanaad.