C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ahaa musharixiinta la tartamay madaxweyne Farmaajo iyo siyaasiyiintii isbedel doonta ayaa jawaab ka bixiyay sababta keenay xiisadda siyaasadeed ee joogtada noqotay.
Isagoo qoraal jawaab ah soo dhigay baartiisa FB ayuu sheegay in saddex qodob ay ugu wacan yihiin siyaasadeenu saldhigi weyso oo ay mar kasta qasnaato, kuwaasoo kala ah:
1- In xooggaga siyaasadeed iyo siyaasiyiintu is ogolaadaan, siyaasadanu noqoto mid loo dhanyahay (inclusive) lana joojiyo is barabixiska (exclusion).
2- Is ogolka iyo loo dhamaanshaha (inclusive politics) waxay horseedaysaa xasilooni siyaasadeed (Stable politics)
3- Xasiloonida siyaasadeed waxay horseedaysaa siyaasad saldhigta
(political Establishment).
“Laakiin inta uu is barabixiska socdo, is ogolna jirin natiijadu waa xasilooni dari siyaasadeed. Xasilooni dar intii ay jirtana ha sugin in siyaasadu saldhigto. Taas ayaan keenaysa in maalin kasta meel cusub laga bilaabo, lagu celiyo khaladaadkii hore, lana waayo is dhaxalsiin khibradeed (transfer of experiences) iyo xusuus dawli ah (institutional memory)..” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.
Siyaasigan ayaa lagu waday inuu ka mid noqdo Golaha Wasiirada cusub, laakiin waxaa la sheegay inuu ka hor yimid Madaxweyne Farmaajo oo sabab uga dhigay taariikhdiisa siyaasadeed inay fiicneyn.
Wadani.com