Dood badan ayaa ka dhalatay warka ka soo yeeray xeer ilaaliyaha Qaranka ee ku saabsan in laba xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka lagu soo oogay dembi Qaran-dumis ah.
Xeer ilaaliyaha Dr. Axmed Cali Daahir ayaa maanta ka codsaday Barlamaanka inuu xasaanadda ka qaado xildhibaannada kala ah: Xasan Macalin iyo xildhibaan Saabir Nuur Lugeey si loo maxkamadeeeyo.
Jawaabihii ugu horeeyay ayaa waxay ka yimaadeen saaxiibadii labadan xildhibaan oo ah koox muddooyinkan danbe waday olole mooshin ka dhan ah madaxweynaha oo ay ka mid yihiin: Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, Mahad Maxamed Salaad iyo xubno kale, waxayna qaarkood sharci ku tilmaameen in xildhibaan falkaas lagu sameyn karo.
Haddaba waxaan halkan idinku soo gudbineynaa Sida dastuurka KMG ah ee Soomaaliya uga hadlayo xasaanadda xildhibaannada oo ku qeexan Qodobka 70-aad ee dastuurka, waxaana faqradiis 3 ay u qoran tahay.
“Dacwad aan ahayn mid ciqaabeed Xildhibaanka waa lagu furi karaa, iyadoo aan oggolaansho la weydiisan Golaha Shacabka”
Qodobkan wuxuu caddeyn yahay in dembi lagu soo oogi karo xildhibaannada Golaha shacabka, haddii aanu ahayn mid ciqaabeed, taasoo ah qodobka loo cuskaday eedeynta ay u jeedisay xeer ilaalinta.