Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»AKHRISO: Dacwadda ay Guddiga Difaaca Baarlamaanka ka qoreen Qorshaha Dib u dhiska ciidanka

    AKHRISO: Dacwadda ay Guddiga Difaaca Baarlamaanka ka qoreen Qorshaha Dib u dhiska ciidanka

    April 25, 20172 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    XIldhibaano diyaariynaya Mooshin looga horjeedo Madaxweyne Xasan Sheekh
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddiga difaaca ee baarlamanka Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay qorshaha dhismaha ciidamada qaran ee Soomaaliya ee dhowaan ay isku raaceen dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.

    Guddiga ayaa qoraal ay maanta soo saareen oo ay u gudbiyeen guddoonka baarlamanka ku sheegay in kadib markii ay darseen go’aanadii ay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ku gaareen shirkii Muqdisho ka dhacay 15 illaa 16-kii April ay usoo baxday in qaabka ciidanka loo dhisayo uu yahay, sida ay hadalka u dhigeen, mid lagu wiiqayo awooddii ciidanka xoogga dalka, islamarkaana si ula kac ah awoodihii dawladda dhexe loo weecinayo dawlad goboleedyada dalka ka jira, sida ay yiraahdeen.

    “Tani waxay keeni karta in meesha laga saaro ciidamadii qaranka ee dawladda dhexe maamulkeeda dastuurka dalku siinayay” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Waxa kale oo ay sheegeen in qorshaha dib u qaabaynta cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu ka mid yahay ajendayaasha shirweynaha Soomaaliya ee London ka dhacaya 11 May 2017, waxayna ka digeen in haddii sida loo qoray qorshahan loo qaato ay halis ku noqon karto helista ciidan summad qaran leh oo midaysan, ayna adkaan doonto in dib loo dhiso.

    Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in qorshahan uu yahay mid lagu qaybinayo awoodda iyo talada ciidamada qaranka, ciidamada qarankana loo ekeysiinayo ciidamo qabiil oo xuduudaha dawlad goboleedyadooda waajibkoodu ku eg yahay, sida ay hadalka u dhigeen.

    Dhinaca kale guddiga ayaa ku dooday in qodobka 54-aad ee dastuurka ee qeexaya kala qeybinta awoodaha, gaar ahaan xarafkiisa (B) uu caddaynayo in difaaca qaranku uu ka mid yahay awoodaha iyo mas’uuliyadaha dawladda federaalka ah oo aysan ka mid aheyn waxyaalaha ay ka wada xaajoonayaan dawladda Federaalka ah iyo dawlad goboleedyada.

    Guddiga ayaa sheegay in qorshaha dowladda federaalka iyo dowlad gobleedyada ay isku raaceen ee loogu magac-daray “Qaabaynta Amniga Qaranka” gaar ahaan qeybta la xiriirta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu khilaafsan yahay Dastuurka.

    Waxa ay sidoo kale ku doodeen in In qorshaha qaabaynta amniga qaranku uu u muuqdo mid meelo kale laga soo minguuriyey, sida ay hadalka u dhigeen.

    Waxay soo jeediyeen In hanaanka dib-u-qaabaynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay hormuud ka noqoto wasaaradda gaashaandhigga iyo talisyada ciidan ee hoos yimaada, loona madaxbaneeyo soo diyaarinta qorshaha dib u qaabaynta ciidamada xoogga dalka, islamarkaana hogaamiyayaasha siyaasadda ee dowladda iyo madax maamul goboleedyada ay faraha kala baxaan.

    Baarlamaanka Dhismaha ciidamada NSA
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleVIDEO: Telefishanka ITV News oo warbixin naxdin leh ka diyaariyay xaaladda abaarta ee Sooomaaliya
    Next Article SAWIRRO: Imaaraadka oo Markab Deeq sida u soo diray Soomaaliya [Halkee ku wajahan yahay..?]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo