Qaar ka mida dowladaha Islaamka ayaan maanta laga ciideynin waxayna ku khilaafeen Sacuudiga iyo dalalka kale ee islaamka maalinta ay ku beegan tahay Ciidul Adxaa iyo dhalashada bisha Dulxaj ee sanadkan 1439 Hijriyadda.
Sacuudiga ayaa hore ugu dhawaaqay in maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa ay ku beegan tahay maanta oo Talaado ah, 21-ka Ogost, laakiin dalal dhowr ah ayaa berri oo Arbaco ah u dabaaldegaya Ciidul adxaa.
Waxaa dalalkaasi ka mida Indonesia, Maleysia, Brunei,Pakistan,Iiraan, Bangladesh iyo muslimka Srilanka, oo shaaciyay inay Ciidul Adxaa ku beegan tahay 22-ka Ogost oo ku beegan maalinta Arbacadda ee berrito.
Dalal badan ayaa Sacuudiga ku raaca Ciidul Adxaa oo ku xiran acmaasha xajka, laakiin waxaa jira dalal kale oo u badan kuwa Aasiy, kuwaasoo si gaara u qaata go’aanadooda, iyagoo aan ku xirneyn Sacuudiga.
Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaan maanta laga ciideynin gobolka Galgaduud oo uu ka taliyo maamulka Ahlu suna ee midoobay Galmudug.