Dhowr dal ayaa ilaa iminka ku dhawaaqay inay maalinta Beri ee Talaadada ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga, maanta oo Isniin ahna ay ugu danbeysay Bishii Ramadaan.
Golaha Iftada iyo baaritaanka cilmiga ee Yurub iyo Raashiya ayaa lagu dhawaaqya inay berito tahay maalinta koowaad ee ciidul firriga. Wuxuuna golahan oo Yurub ka dhisan sheegay inuu ku dhaqmayo go’aankii kasoo baxay shirkii Istanbuul ee lagu go’aamiyay in aragti lagu soomo, laguna afuro, haddiiba lagu arko isha dadka iyo aalad kaleba.
Turkiga ayaa sidoo kale looga dhawaaqay in Berito ay tahay maalin ciid ah, sida uu shaaciyay Guddiga Sare ee dalkaasi.
dhinaca kale Dalka Australia waxay shaaciyeen Golaha culimada Islaamka in maalinta Beri ay tahay maalintii ugu danbeysay ee Ramadaanka oo ay Arbacadda tahay maalinta koowaad ee ciidul Fitriga.
Sidoo kale waxaa sidaasoo kale inay Arbacadda tahay maalin ciid ah laga soo weriyay dalka Mauritania oo ku dhaqma xisaabaadka xiddigaha.
Weli waxaa la filayaa go’aanka ka soo baxaya dalalka Khaliijka siiba Sacuudiga iyadoo gudaha Soomaaliya weli lagu dhex jiro raadinta Bisha.
DEGDEG:
Sacuudiga ayaa la sheegay in Berito la dhameystirayo Ramadaan 30, Ciiduna ay tahay maalinta Arbacadda
CIID WANAASGAN INTA CIIDEYSA IYO INTA WELI AY KA MAQAN TAHAYBA