Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»AKHRISO DARAASAD: Tirakoob ku saabsan Ardeyda ka baxday Jaamacadaha dalka oo la soo saaray

    AKHRISO DARAASAD: Tirakoob ku saabsan Ardeyda ka baxday Jaamacadaha dalka oo la soo saaray

    June 5, 2018Updated:June 5, 20183 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Hay’adda Iftin Foundation ayaa soo daraasad ay ka samaysay ardaydii sanadkii 2017-kii ka soo qalinjebisay Jaamacadaha dalka, taas oo ah markii labaad ee ay hay’addu ka sameyso dalka oo dhan.

    Daraasaddan oo ay hay’adda Iftin ku howlanayd bilihii ugu dambeeyay ee sanadkii hore waxaa ka qaybqaatay illaa 36 Jaamacdood oo ku kala yaalla 14 magaalo oo dalka ka mida kuwaas oo kala ah: Muqdisho, Boosaaso, Gaalkacyo, Garoowe, Baladweyn, Jowhar, Baydhabo, Kismaayo, marka, Qardho, Buuhoodle, Goldogob, Ceerigaabo iyo Dhuusomarreeb.

    Ardayda guud ahaan sanadkii 2017 ka soo qalin jebisay Jaamacadaha dalka ayaa gaaraya illaa 11,263 arday, iyadoo tirada wiilashu ay ahaayeen 7,460 taas oo ah 66% halka tirada gabdhuhuna ay gaarayeen 3,803 taas oo ayana u dhiganta 34%.

    Sahankan ayaa muujinaya guud ahaan magacyada kulliyadaha ay ardaydaasi ka soo qalinjebiyeen, kuwaas oo gaaraya 25 kulliyadood. Xogta ayaa muujisay in saddexda kulliyadood ee ay ka soo baxeen ardeyda ugu badan ay kala yihiin:-

    1.     Maamulka Hawlaha (Business Administration) sida Accounting, Human Resources, Banking & Finance) oo tirada ka soo baxday ay gaareyso 1,732 qof taas ah 15.38%;

    2.     Kalkaaliyennimo iyo Umulisonnimo (Nursing & Midwifery) oo ay ka soo baxeen 1,503 qof, taas ah 13.34%, iyo

    3.     Maamulka Guud (Public Administration) oo ay ka soo baxeen 1,316 qof taas oo ah 11.68%.

    Halka saddexda kulliyadood ee ay ka soo baxeen ardeyda ugu yar ay kala ahaayeen:-

    1.     Tirakoobka iyo Qorsheynta (Statistics & Planning) oo ay ka soo qalinjebiyeen 11 arday keliya oo u dhiganta 0.10%.

    2.     Culuumta Siyaasadda (Political Science) oo ay ka soo qalinjebiyeen 18 arday taas oo u dhiganta 0.16%; iyo

    3.     Saxaafadda (Journalism) oo ay ka soo baxeen 33 qof taas oo ayana u dhiganta 0.29%.

    Sahanku wuxuu sidoo kale eegay tirada gabdhaha iyo wiilasha ee kulliyad kasta si loo ogaado halka ay ku kala badan yihiin. Waxaa soo baxday gabdhaha ugu badan ay ka soo qalinjebiyeen saddexda kulliyadood ee kala ah:-

    1.     Nursing & Midwifery (1,125 gabdhood);

    2.      Public Health (655 gabdhood) iyo

    3.     Business Administration (370 gabdhood).

    Halka wiilasha ugu badan ay ka soo qalinjebiyeen saddexda kulliyadood ee kala ah:-

    1) Business Administration (1,362 wiil)

    2) Computer Science & IT (1,118 wiil) iyo

    3) Public Administration (1,048 wiil)

    Daraasaddan ayaa sidoo kale muujisay sida jaamacadaha dalka ugu kala badan yihiin soo-saarista ardayda jaamiciyiinta ah. 10ka jaamacadood ee ardayda ugu badan soo saaray waxay kala yihiin sida ay u kala horreeyaan:- 1) University of Somalia, 2) Jobkey, 3) East Africa, 4) Horseed, 5) Plasma, 6) Muqdisho, 7) Salaam, 8) SIMAD, 9) Somali International University SIU iyo 10) Benadir. Marka laga reebo Jaamacadda Bariga Afrika, 9ka kale jaamacad ee ardeyda ugu badan ay ka soo baxeen waxay ku yaallaan Muqdisho.

    Waxaa sidoo kale warbixinta lagu eegay sida magaalooyinka dalka ay u soo saaraan ardeyda soo dhameysa jaamacadaha. Magaalada Muqdisho ayaa magaalada ugu badan ee soo saartay qalinjebiyeyaasha ugu badan oo dhan 8,481 oo u dhigma 75.3%, waxaana ku soo xigta magaalada Boosaaso oo soo saartay 882 oo u dhiganta 7.83%, halka magaalada ugu yar ee soo saartay ay tahay magaalada Dhuusamarreb oo ay ka soo qalinjebiyeen 13 arday oo u dhigma 0.12% oo kaliya.

    Xafladdaan waxaa ka hadlay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirudowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Craxmaan Max’ud (Jaabiri), Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Ismaaciil Macallin C/llaahi, Agaasime ku xigeenka Maamulka ee Rugta Ganacsiga Mudane Haashim Ducaale, Xoghayaha Guud ee Ururka Jamacadaha Soomaaliyeed Mudane C/kariin Xasan Jaamac iyo Guddoomiyaha Dalladda Waxbarashada ee SAFE, Mudane Craxmaan Macallin Axmed (Ablaal) iyo masuuliyiin kale.

    [pdf-embedder url=”https://wadani.com/wp-content/uploads/2018/06/Sahanka.pdf”]

    Image may contain: 15 people, people smiling, people sitting and indoor

    Image may contain: text

    Image may contain: 1 person, standing

    Image may contain: 1 person, standing

    Image may contain: 1 person

    Image may contain: 1 person

    Image may contain: 1 person, standing

     

    Image may contain: 1 person, standing

    2017 Daraasad Hay’adda Iftin Foundation Jaamacadaha Waxbarashada
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMuuse Biixi oo Farriin culus u diray dadka kasoo jeeda Puntland ee wada Qeylo-dhaanta Qabiilka ku saleysan [Daawo]
    Next Article XOG: Shirka Amniga Qaran ee Baydhaba: Laba Qodob oo Xalay lagu gaaray Xilli danbe & Wararkii ugu danbeeyay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo