Waxaa magaalada Kismaayo ka socota Doorashada lix xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka.
Dhammaan kuraasta maanta lagu dooranayo magaalada Kismaayo ayaa waxaan tartankeeda ku jirin xildibaannadii hore ugu fadhiyey oo laga reebay, waxaana shahaadda musharaxnimada la siiyey xubno cusub.
Kursigii koowaad ee HOP114, ayaa soo gabagaboobay, waxaana ku tartamay: Cumar Ibraahim Xaashi iyo Cabdi Aadan C/raxmaan, waxayna natiijadii noqotay inuu ku guuleystay Cumar Ibraahim Xaashi oo helay 80 cod, halka musharax Cabdi Aadan uu ka helay 12 cod. waxaa xumaatay 8 cod.
Kursiga labaad ee HOP107 oo ay hore ugu fadhiday xildhibaan Haawo Maxamed Aadan, waxaase hadda u tartami lahaa musharax oo kala ah: Maxamed Sheekh Nuur Cusmaan iyo Maxamed Cusmaan Aadan, basle waxaa isaga haray tartanka msharaxa danbe. Waxaa cod gacantaag ah loo qaaday oo 98 cod kusoo baxay Maxamed Sheekh Nuur Cusmaan, iyadoo kursigii labaad uu sidaasi kusoo gabagaboobay.
Kursiga Saddexaad ee HOP120 waxaa hore ugu fadhiyay C/qaadir Sheekh Cali (Baqdaadi), waxaana ku tartamay musharaxiinta kala ah: Asad Cabdirisaaq Maxamed iyo Siciid Cabdiqaadir Shukri. Kursiga HOP120 waxaa kusoo baxay Asad Cabdirisaaq Maxamed oo helay codad dhan 77 cod, halka musharax Saciid Cabduqaadir Shukri uu helay 18 cod.
Kursiga Afraad ee HOP028 waxaa gacantaag kusoo baxay Cabdinuur Cali Aadan, kadib markii uu tartanka ka haray musharixii la tartami lahaa ee Axmed Cabdi Maxamed. Ergo dhan 89 Cod ayaa taageertay inuu xildhibaan noqdo.
Kursiga shanaad ee HOP111, waxaa kusoo baxay Wasiirka Kalluumeysiga Maamulka Jubbaland Cabaas Cali Ibraahim, isagoo helay 79 cod, halka Aadan Mursal Cadow oo la tartamayey uu ka helay 17 cod.
Kursiga lixaad ee kursiga HOP093 waxaa kusoo baxay Dr Siciid Maxamed Cali oo helay 74 cod, halka Mahad Nuur Cismaan oo la tartamayey uu helay 24 cod, Waxaana halaabay 3 cod.
Doorashadii lixda kursi ayaa kusoo gabgabowday magaalada Kismaayo, iyadoo dhammaan kuraastii la doortay ay kusoo baxeen xildhibaanno cusub.