Waxaa mar kaliy maanta ka bilaabanaya magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhaba doorashada xildhibaanada Aqalka hoore ee Baarlamaanka.
Magaalada Baydhabo oo ah halka lagu dooranayo xildhibaanada ugu badan ayaa goor dhow laga bilaabayaa doorashada, iyadoo ammaanka si weyn loo adkeeyay isla markaana ciidamo badan la geeyay magaalada.
XIldhibaanada lagu dooranayo xarunta maamulka K/Galbeed ee magaalada Baydhaba ayaa gaaraya 69 xildhibaan, waxaana kursiga ugu horeeya ee la dooranayo uu noqday kursiga Guddoomiyaha Barlamaanka waqtigiisu dhammaaday Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).
Magaalada Kismaayo ayaa sidoo kale si rasmi ah looga bilaabayaa doorashada aqalka hoose, waxaana tegay xubno ka socda guddiyada Doorashada iyo xalinta khilaafaadka. Kismaayo ayaa lagu dooran doonaa 43 xildhibaan oo qaarkood laga soo wareejiyay Puntland.
Doorashada ayaa u dhici doonta si qeyb qeyb ah, waxaana qorsheysan in 8 kursi la doorto maalin kasta. Puntland oo hore u bilowday doorashada ayaa ilaa iminka dooratay 12 kursi.
Wadani.com