Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, May 24
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Front
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Xukuumadda»Hiigsiga cusub»Akhriso Farriintii John Kerry oo Af-Soomaali ku qoran

    Akhriso Farriintii John Kerry oo Af-Soomaali ku qoran

    May 5, 2015Updated:May 5, 20155 Mins Read Hiigsiga cusub
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Farriintii uu shacabka Soomaaliyeed maanta u jeediyay Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka oo af-soomaali ku qoran ka akhriso hoos:

    Maanta waxaa sharaf ii ah in aan noqday Xogayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee ugu horreeyay ee booqda Soomaaliya.

    Waxaan la kulmay hoggaamiyayaasha Dowladdiinna iyo wakiillo bulshada rayidka.

    Laakiin waxaa kale oo aan rabaa in aan fursadda ka faa’iideysto oo aan idinla hadlo dadka Soomaaliyeedow.

    Sec Kerry remarks in Mog

     

    In ka badan 20 sano mar laga joogo, Mareykanka waxaa lagu khasbay in uu ka baxo waddankiinna. Hadda waan soo laabaneynaa annaga oo la kaashaneyna beesha caalamka. Annaga oo rajo weyn qabna, laakiin uu ku dhafan yahay walaaca jira.

    Booqashadeyda gaaban waxay ii xaqiijisay wixii ay diblomaasiyiintayadu ay ii sheegi jireen. In Soomaalidu ay tahay dad adkeysi badan, ayna idinka go’an tahay in dalkiinna iyo mustaqblkiinna aad dib uga hanataan arga-gixisada iyo kooxaha malliishiyada ah ee isku dayay in ay idinka qaataan.

    Rubuc qarnigii na dhaafay waxaa idin soo maray xanuun aad u badan. Oo idiinka yimid dagaal, dembiilayaal, dhib xag jir, cunto yari ba’an iyo in aad nabad ku joogi kari weydeen xataa tuulooyinkiinna iyo guryihiinna.

    Waxaan shalay Kenya kula hadlay qaxooti ka yimid dhadhaab oo guryahoodii ka soo qaxay si looga magan geliyo waxyeello, baqdin iyo dagaal.

    Waxaan la kulmay 15 jir ah, 18 jir iyo 20 jir Soomaali ah oo aan weligood ku noolaan meel aan ahayn xero qaxooti, ayada oo lagu jiro xilli aan asaga oo kale hore noo soo marin oo dunidu ay koobnaatay.

    Laakiin Soomaaliya ayaan maanta imid sababta oo ah dalkiinnu wuu is beddelayaa. Saddex sano ayaa ka soo wareegtay markii dastuur cusub oo KMG ah la qaatay.  Baarlamaan la dhaariyay.

    Ayaga oo taageero ka helaya AMISOM, ciidammada Soomaaliya waxay al Shabaab ka saareen xarumihii ay dadku ku badan yihiin. Dadaal caalami ah oo ujeeddeysan waxaa uu suuqooda soo xiray ku dhowaad dhammaan burcad badeeddii Soomaaliya.

    Abaalka badankiis idinka oo ah dadka Soomaaliya ayaa leh. Idinka dartiin ayay nolol cusubi ku soo laabatay waddooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhaba iyo Garowe iyo meelo kale. Ganacsiyo hor leh ayaa la furay. Qurbo joogtuna wey soo laabanayaan si ay uga faa’iideystaan fursadaha dhaqaale ee cusub iyo si ay gacan uga geystaan dib u dhiska dalkooda.

    Dabcan shaqo badan ayaa harsan si dalkiinna loogu xaqiijiyo mustaqbal nabad ah oo wax soo saar leh. Waan fahamsan nahay taas. Intii aan maanta wadahadalka kula jiray madaxdiinnana, waxaan culeyska saaray tallaabooyinka soo socda ee ay tahay in la qaado ee Higsiga 2016 si kor loogu qaado horumarka Soomaaliya iyada oo mideysan haddana Federaal ah.

    Dowladda Federaalku waxay hadda la shaqeyneysaa Maamul Goboleedyada Cusub, si loo xoojiyo xasilloonida looguna abuuro miraha wax soo saarka qeyb kasta oo ka mid ah Soomaaliya. Waxaa taas ka mid ah in la helo miisaanka saxda ah ee awoodaha iyo mas’uuliyadaha ay kala leeyihiin Federaalka, Gobollada iyo dowladaha hoose.

    Waxaanna rajeynayaa in aan mar dhow arki doono horumar laga sameeyay in ciidammada Gobollada lagu daro ciidanka Qaran ee Soomaaliya si aan u awoodno in aan ballaarinno taageeradeenna amni ee xoogaggaas.

    Dowladdu waxay kale oo ay ka shaqeyneysaa dhammeystirka dastuurka iyo qabashada doorashooyin dimuqraaddi ah 2016. Adinku, waa adinka dhammaantiin, waa khasab in aad cod ku lahaataan howshaas.

    Madaxdiinnu waxay mar kale maanta ii xaqiijiyeen in ay ka go’an tahay in ay horumar ka sameeyaan arrimahaas. Iyo in ay xaqiijiyaan in is afgarad baahsan laga gaaro sida ay dib u eegista dastuurku u dhaceyso iyo sida doorashooyinku ay u qabsoomi doonaan.

    Kulligeen waxay dani noogu jirtaa guushiinna. Dunidu ma xammili karto goobo khariidadda ku yaal oo aan maamul lahayn. Taas ayaa u sabab ah in Soomaaliya ay ka dhisanto dowlad waxgal ah in ay tahay fursad taariikhi ah.

    Aqoonsiga horumarka la sameeyay iyo tallaabiyinka la ballan qaaday dartood, waxaan ku faraxsan ahay in aan ku dhawaaqo in Mareykanku uu billaabayo shaqada lagu suurta gelinayo howlgal diplomaasi oo Muqdisho ka hirgala. Inkasta oo aynaan qabsan taariikh go’an oo si rasmi ah safaaradda dib loogu furayo, waxaan kor u qaadeynaa wakaaladdeenna diblomaasi.

    Ayada oo ay rahman tahay ansixinta Senate-ka, Diblomaasi ruug caddaa ah, ayaa hoggaamin doona dadaalkaas. Waxaana uu ahaan doonaa Danjirihayagii ugu horreeyay ee Soomaaliya tan iyo markii aan xirnay safaaraddayadii Jannaayo1991.

    Waxaan dhowrayaa, Madaxweynuhuna sidoo kale, maalinta ay Mareykanka iyo Soomaaliya uu mid waliba kan kale caasimaddiisa ku lahaan doono Safaarad dhammaystiran.

    Waxaa kale oo aan dhowrayaa marka aan dhihi kari doonno, ayada oo caalamka oo dhami uu arkayo hubinna karo, in dalkani uu si buuxda u mideysan yahay. Uu awood Goboleed ku biirinayo Himilo Qaran. Awoodu yeesho in uu qaxootigiisa dib ugu soo dhoweeyo dalka. Uuna xaqiijiyo Soomaaliya cusub oo maqaam sharaf leh ku leh Golayaasha heer Gobol iyo kuwa heer Caalami, qarniyo badan. Howshaasi waa midda adinka oo keliya – dadka Soomaaliyeedow aad keligiin qaban kartaan.

    Ayada oo ay kala mid yihiin xubno badan oo beesha caalamka ah, Dowladda Mareykanku waxay diyaar u tahay in ay sameyso wax kasta oo aan karno si aan u caawinno Soomaaliya, in ay gaarto amniga, horumarka iyo nabadgelyada aad mudan tihiin.

    Waad mahadsan tihiin dhammaantiin.

    Tarjumo aan Rasmi ahayn 

    Waxa tarjumay: Yusuf-Garaad

    Wadani.com

    [ad name=”HTML”]

     

    [ad name=”HTML-6″]

    Farriintii John Kerry Yuusuf Garaad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleBeesha Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaadacday Guddiga Farsamada Shirka Cadaado
    Next Article US to Reopen Embassy in Somalia

    Related Posts

    Wasiir Roobow: “Muqdisho ma aha Kaabul iyo Dimishiq, Axmed Diiriye-na ama Axmed ASharaca Syria”

    March 9, 2025

    Wasiirkii Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamud Cali Yuusuf oo loo Doortay Guddoomiyaha Midowga Afrika

    February 15, 2025

    Madaxweynaha Turkiga oo ka hor yimid barakicinta Dadka Gaza, Donald Trump ku tilmaamay nin iska hadlay

    February 10, 2025

    Magacyada Golaha Wasiirada cusub ee Somaliland iyo Beelaha ay kasoo jeedaan

    December 14, 2024

    Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Gobolka Banaadir iyo Taariikhdiisa oo kooban

    December 10, 2024

    Mucaaradka Hubeysan oo la wareegay talada dalka Syria iyo Madaxweynihii oo baxsaday

    December 8, 2024

    WARARKII MAANTA

    Wasiir Roobow: “Muqdisho ma aha Kaabul iyo Dimishiq, Axmed Diiriye-na ama Axmed ASharaca Syria”

    March 9, 2025

    Wasiirkii Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamud Cali Yuusuf oo loo Doortay Guddoomiyaha Midowga Afrika

    February 15, 2025

    Madaxweynaha Turkiga oo ka hor yimid barakicinta Dadka Gaza, Donald Trump ku tilmaamay nin iska hadlay

    February 10, 2025

    Magacyada Golaha Wasiirada cusub ee Somaliland iyo Beelaha ay kasoo jeedaan

    December 14, 2024

    Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Gobolka Banaadir iyo Taariikhdiisa oo kooban

    December 10, 2024

    Wadani Online wuxuu hiigsanayaa in la helo Warbaahin horumarsan oo la jaan qaadi karta dhigeeda goboleed iyo caalamka.
    Ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa hirgelinta Wadani.com waa in la helo Warbaahin ku howlgaleysa habka loo yaqaan Saxaafadda dabagalka (Investigative Journalism)

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • Home-1
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo