Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo goor dhoweyd xabsiga laga sii daayay ayaa farriintiisii ugu horeysay soo dhigay baraha bulshada.
Farriinka oo afar xaraf ka koobneyd ayuu ku qoray luqada ingiriiska: “Cadaallada ayaa waareysa, Cadaalad darraduna waa fashilneysa. “Justices prevails. Injustices fails.” ayuu soo dhigay bartiisa twiterka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in damiinka lagu sii daayay ay ku jiraan shuruudo ay ka mid yihiin: Inuusan saxaafadda la hadli karin, isticmaali karin baraha bulshada, kana dhoofi karin dalka, laakiin waxaa muuqata inuu ugu yaraan dhowr erey ku cabiray xaaladiisa.
Sii deynta siyaasiga ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen madaxda maamulka Gobolka Banaadir, Hirshabeelle iyo Galmudug.