Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Galmudug»AKHRISO: Galmudug oo Qoraal xasaasi ah ka soo saartay Duqeyntii Mareykanka

    AKHRISO: Galmudug oo Qoraal xasaasi ah ka soo saartay Duqeyntii Mareykanka

    September 30, 20163 Mins Read Galmudug
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maamulka Galmudug ayaa soo saartay War-saxaafadeed lagu faahfaahiyay duqeyntii ka dhacday duleedka Magaalada Gaalkacyo ee diyaarad Mareykan ah ku qaaday askar maamulkaasi ka tirsan.

    WAR-SAXAAFADEEDKA HOOS KA AKHRI


    Subaxinimadii shalay oo ay taariikhdu ahayd 28/09/2016 ayaa ciidamada cirka mareykanku duqayn ugeysteen cutub kamid ah ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug oo . Duqayntaas waxaa lala beegsaday cutub ka mid ah ciidamada Dowlad Goboleedka Galmudug oo ku sugnaa fariisin ku taal bariga magaalada Gaalkacyo.

    Duqayntaas waxaa lagu dilay 13 askari oo ciidanka Galmudug halka 7 kalena aay ku dhaawacmeen weerarkaas, ayadoo wali la la’yahay hal askari geeri iyo nolol intaba. Waxaa qasaarahaas ka dhashay kamid ah in lagubay labo gaari oo nuuca tiknikada ah oo ay lahaayeen ciidamada Dowlada Galmudug.

    Dowlad Goboleedka Galmaudug waxay aad uga xuntahay in Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanku ay isticmaashay xog qaldan oo aan tuhunsanahay inay dhinaca maamulka Puntland kaga timid taasoo laga lahaa dano gaar ah iyo ujeedooyin guracan oo aan marna u adeegeeyn hadafka iyo ujeedka ladagaalanka argagixisada.

    Dowlad Goboleedka GalmudugWaxaa ka go’an ladagaalanka argigixisada, waxayna si geesinima leh goobo badan kula dirireen bilawgii sanadkan maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaa xusid mudan in ciidanka la laayayna ay ka mid ahaayeen, qeyb lixaad lehna ka qaateen dagaaladaas shabaabka looga difaacayay guud ahaan soomaliya, gaar ahaan deegaanada GalMudug

    Xogta qaldan ee sida ula kaca ah loogu marin habaabiyay dowlada mareykanka waxaa looga gol lahaa in lagu abuuro dhiilo colaadeed oo dhaawaceysa xariirka labada maamul, taas oo sababikarta in laga weecdo hadafkii guud ee ladagaalanka argagixisada laguna mashquulo loolanka siyaasadeed oo aysan cidna ka faa’iideynin.

    Galmudug marna diyaar uma ahan in ay dabinkaas ku dhacdo waxaana ka go’an ladagaalanka argigixisada waxa ayna u diyaarisay ha’ado nabadgalyo oo la socda dhaq dhaqaaqa argagixisada kulana dirira meelkasta oo ay joogaan, waxaa sidoo kale kusugan Galmudug hay’ada sirdoonka qaran oo ay Galmudug wada shaqeyn buuxda la leedahay inta aan ognahay labada hay’adood midkoodna lama wargalin.

    Galmudug waxaay cadeyneysaa moowqifkeeda ah in Galkacyo iyo arimaheedu yihiin kuwo xasaasi ah, sidaa darteedna Dowlada Galmudug kuma qanacsana jawaabta hordhaca ah ee ilaa iyo haatan soo baxday , waxaana ugu baaqeynaa Dowlada Mareeykanka in ay baaritaan dheeri ah sameeyso Galmudugna waxa ay diyaar utahay in ay gacan ka geysato arinkaas waxaana marakale ku celineynaa sida ay Galmudug uga go’antahay ladagaalanka argagixisada.

    Waxaan ku baaqeynaa in aan hadafka laga weecan maadaama uu dalku marayo marxalad xasaasi ah oo doorashooyin lagu jiro, argagixisadu dooneyso in ay nabada iyo doorashooyinka hor istaagaan waa xiligii iskaashiga iyo wada shaqeyn ee mahan xiligii xiisad kicinta iyo colaad abuurista,Galmudugna waxay dalbaneysaa cudur daar buuxa iyo magdhaw .

    ——– —-Dhamaad————

    Gaalkacyo Galmudug Jeexdin
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFadeexada tababarihii xulka Ingiriiska oo saameyn ku yeelatay mas’uuliyiin cusub
    Next Article Maamulka Jubba oo beeniyay inuu taageeray duqeyntii Mareykanku ku dilay askartii Galmudug

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo