Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»AKHRISO” Go’aanadii ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya ee maanta

    AKHRISO” Go’aanadii ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya ee maanta

    October 26, 20173 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Mahdi Mohamed Guled (Khadar).

    Shirka maanta arrimaha diirada lagu saaray shirkan waxaa ka mid ahaa Masiibadii Qaran ee 14kii Oktoober 2017, Geeridii General Maxamed Abshir Muse, Geedisocodka Deyn-Cafiska iyo arrimo kale.

    Ugu horreyntii Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dhacdadii 14ka Oktoober ay aheyd dhacdo xannuun badan kana codsaday Guddiga Gurmadka Qaran inay warbixin ka siiyaan golaha wasiirada Masiibadii Qaran ee 14kii Oktoober 2017.

    Sidoo kale waxaa warbixin laga dhageystay Guddiga Dhalinyarada Is-xilqaamay ee Gurmad Qaran oo ka warbixiyey howlaha muhiimka ah oo ay qabtaan tan iyo 14kii Oktoober oo ay abaabuleen dhalinyarada dalka gudihiisa iyo dibadiisa, isla markaasna si hagar la’aan ah ugu gurmaday dadkii waxyeeladu soo gaartay.

    Guddiga ayaa u mahadceliyey dhammaan cidwalba oo gurmadka ka qeyqaadatay gaar ahaan dhalinyarada, Guddoomiyaha Gooblka Benaadir, Bahda warbaahinta, gaar ahaan SNTV oo si toos ah bulshada uga soo tabineysey xarunta gurmadka. Sidoo kale waxaa la ammaanay doorka Soomaalinimada ah ee la muujiyey oo ay Dowlada Federaalka hormuud ka aheyd. Agaasimaha Socdaalka & Jinsiyadaha oo dhaawacyada u diyaariyey baasabooro lagu qaaday. Sidoo kale waxaa la ammaanay dhaqaale ururinta ka socota dalka iyo gudihiisa, gaar ahaan Boosaaso iyo Nairobi oo dhaqaale looga aruuriyey.

    Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Sii Hayaha xilka Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ka warbixiyey safarkii Madaxweynaha uu ku tagey Uganda, Ethiopia iyo Djibouti oo si guul ah ku soo dhammaaday, laguna heshiiyey in ciidamda Xooga Dalka iyo kuwa AMISOM ay si wadajir ah uga wada qeybqaataan dib u xoreynta dalka si kooxaha argagaxisada ah looga sifeeyo dalka oo dhan.

    Wasiirka Maaliyada ayaa ka warbixiyey geedisocodka deyn-cafiska oo ay Dawladda Federaalka mudo kala shaqeyneysay hay’ada Lacagta Adduunka (IMF). Wasiirka Maaliyada iyo Wasiirka Kalluumeysiga ayaa ku qanciyey IMF in Somalia laga cafiyo deymaha si dalka looga hirgeliyo mashaariic horumarineed.

    Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa ka warbixiyey kulanka sanadlaha ah ee hay’ada Isgaarsiinta Adduunka (ITU) oo uu ka qeybgalay, iyadoo Somalia ay ka mid noqotay xubin buuxda oo leh codeyn. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inuu xiriir wanaagsan la soo sameeyey wadamo badan.

    Golaha Wasiirada ayaa tacsiyo qaran u diray shacabka Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka geeriyooday marxuum Jeneral Maxamed Abshir Muse oo ku geeriyooday dalka Mareykanka. Marxuumka ayaa ahaa Taliyihii ugu horreeyey ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kana mid ahaa xildhibaanadii Dawladii lagu soo yageleelay Carta, kana soo qeybqaatay xornimda dalka, isla markaasna ku guuleystay in Soomaaliya ay yeelatay Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ahaa ciidan dishibiliin leh, bulshada la shaqeeya, sugayna amniga iyo kala danbeynta dalka, caana ka ahaa Afrika. Dawladda Federaalka ayaa guddi u saareysa qabanqaabiyey baroordiiq sidii loogu sameyn lahaa oo loo xusi lahaa doorkiisii wadaninimada, xil-kasnimada, waaayo-aragnimada ee uu ku soo hoggaamiyey ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

    Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa ka hadlay casuumada uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo u fidiyey Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada Puntland, GalMudug, HirShabelle, Koofur-Galbeed, Jubbaland iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo lagu wado inuu shirkooda qabsoomo 28ka Oktoobar 2017. Xukuumada ayaa wada qabanqaabada shirkaas, oo looga hadli doono xoojinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorashooyin hal-cod iyo hal-qof ah.

    Golaha wasiirada Top wasiirada Xukuumada
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRabshado dhaliyay dhimasho & dhaawac oo hareeyey doorashada Kenya [Sawirro]
    Next Article KASHIFAAD: Wasiir Maaliyadda Somalia oo lacag ka badan 100-kun Doolar ku iibsaday Gaari Bulletproof ah

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo