Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»AKHRISO: Go’aanadii kasoo baxay Shirkii Golaha Wasiirada Xukuumadda & Heshiisyadii lagu ansixiyey

    AKHRISO: Go’aanadii kasoo baxay Shirkii Golaha Wasiirada Xukuumadda & Heshiisyadii lagu ansixiyey

    March 22, 20183 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shirka golaha wasiirrada Soomaaliya oo uu guddoominayay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu ansixiyay heshiisyo lala soo galay Dowladda Turkiga, iyadoo sidoo kale looga hadlay hannaanka caddaalada, amniga, dhaqaalaha iyo doorashooyinka 2020-ka.

    Ra’iisal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa uu golaha uga warbixiyay Safarkii uu ku tegay Dalka Hindiya, isagoo sheegay in Madaxweynaha Dalka Hindiya ay ka wadahadleen xariirka Labada Dal iyo sidii loo xoojin lahaa, wuxuuna intaa raaciyay in ay Dowladda Hindiya oggolaatay in Fiisaha Dalkaasi lagu gelayo lacag la’aan looga dhigo Soomaalida.

    Shirka golaha wasiirrada ayaa intii uu socday waxaa la ansixiyay 14 heshiis iyo Is Af-garadyo ah oo Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen intii u dhexeysay 2013-2018, iyadoo ay 26-ka wasaaradood ee kulanka kasoo qayb galay ay ku ansixiyeen cod gacan taag ah, waxaana ka mid ahaa.

    1) Heshiiska ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaalahA

    2) Heshiiska iskaashiga gaadiidka Badda

    3) Heshiiska Iskaashiga Maalgashiga

    4) Heshiiska Iskaashiga Isbitaalka Ordugan

    5) Heshiiska Iskaashiga Biyaha

    6) Heshiiska Iskaashiga Canshuuraha

    7) Heshiiska Iskaashiga Tamarta

    8) Heshiiska Iskaashiga Caafimaadka Bulshada

    9) Is-afgaradka Waxbarashada Sare

    10) Is-Afgaradka wax soosaarka Beeraha

    11) Is-afgaradka Kalluumeysiga

    12) Is-Af-garadka Caafimaadka Xoolaha

    13) Is-Afgaradka Guud ee abuuridda Guddiga iskaashiga Dhaqaalaha

    14) Isfahamka Is-Afgaradka dhaqanka

    Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya,  Mudane Maxamed Abuukar  Isloow (Ducaale), oo golaha warbixin siiyay ayaa sheegay in Ciidanka xoogga Dalka oo kaashanaya ciidamana Nabad ilaalinta ee AMISOM ay deegaanno badan kala wareegeen kooxaha nabadiidka.

    Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxa uu shirka golaha wasiirada ka sheegay in meel wanaagsan ay marayaan tirakoobka iyo Tayeynta Ciidamada Qalabka sida.

    Wasiirka ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay Ciidamo dhawaan loo soo xiray tababar, kuwaas oo uu sheegay in ay qeyb ka qaadanayaan dedaallada Dalka looga xoreynayo kooxaha Xajgiriinta ah,wuxuuna intaa raaciyay in 200 oo Askari ay ku quudiyeen Lacag dhan $200, iyaga oo u sameeyay Cuntada Dalkeenna ka baxda si looga maarmo cunna dibedda laga keeno oo qarash badan uu ku baxo.

    Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Dr; Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa waxa uu ka hadlay halka ay marayaan dedaallada Kobcinta dhaqaalaha heerkeeda 2-aad (SMP2) wuxuuna sheegay in bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidanka Dowladda ay si habsami leh ku socoto.

    Mudane; Bayle waxa kale oo uu sheegay in dakhliga Sadexda Bilood ee ugu horeysa oo beesha caalamka ay ka sugeysay in  lasoo xareeyo $41 Milyan in illaa hadda ay soo xarootay $32 Milyan iyada oo  wali Bishii Sedaxaad ay socoto.

    Wasiirka waxaa kale oo uu sheegay in Beesha caalamka ay oggolaatay in lasoo sameeyo lana daabaco Lacag cusub oo Shilin Soomaali ah.

    Shirka intii uu socday waxaa looga hadlay hannaanka doorashooyinka 2020-ka iyo hannaanka sameynta xisbiyada badan, waxaanu golohu isku raacay in la dardar geliyo iyada oo lagu saleynayo  dastuurka u yaalla Dalka.

    Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federlka Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa waxa uu isna golaha kahor sheegay in ay meel wanaagsan marayaan qorshaha horumarinta caddaaladda Dalka, waxana golohu isla gartay in dib u eegis lagu sameeyo hanaanka cadaaladda Dalka.

    Golaha wasiirada Top xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSAWIRRO: Qasaaraha Gaarigii lagu Qarixiyey kasoo horjeedka Hotelka Weheliye oo kordhay & Tirada dhimashada oo gaartay…
    Next Article Khilaaf ka taagan Goobta looga doodayo Mooshinka Guddoomiye Jawaari & Waqtigii Mooshinka oo sii dhammaanaya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo