Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»AKHRISO: Go’aanadii kasoo baxay shirkii Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya

    AKHRISO: Go’aanadii kasoo baxay shirkii Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya

    August 17, 20173 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey Sharicga La Dagaalanka Argagaxisada, laguna go’aamiyey in Dhabaha Diyaaradaha ku soo degaan 150 mitir aan la degi karin iyo arrimo kale.

    Muqdisho, 17 August 2017 – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Sharciga la Dagaalanka Argagaxisada, go’aan laga gaaray dhismayaasha u dhow dhabaha diyaaradaha ku soo degaan, warbixino laga dhageystay Guddoomiyaha Gobolka Benadir iyo Hanti-Dhowrka Guud ee Qaranka iyo arrimo kale.

    Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada oo sheegay si garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Adan Cadde uu u noqdo mid hela aqoonsiga caalamiga ah loo baahanyahay in la banneeyo 150 mitir dhan walba ee dhabaha diyaaradaha ku soo degaan (runway). Dood dheer ka dib, Golaha Wasiirada waxey go’aamiyeen in si deg-deg ah looga guuro oo loo banneeyo 150 mitir.

    Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, ahna Duqa Muqdisho, Mudane Taabit Cabdi Maxamed ayaa Golaha Wasiirada siiyey warbixin ku aadan horumarka 100kii maalmood ee Maamulka Gobolka uu ku tallaabsaday sida xasilinta amniga, nadaafada, dhismaha waddooyinka sida 30-ka, Xawo Casir, awood-siinta dumarka, dhiirigelinta dhalinyarada, is-dhexgalka bulshada, daahfurka aragtiwadaaga Maqaamka Muqdisho iyo arrimo kale. Golaha Wasiirada ayaa Guddoomiye Taabit ku ammaanay dadaalkiisa una ballanqaaday wadashaqeyn buuxda oo dhanwalba ah.

    Hanti-Dhowrka Guud Mudane Maxamed Maxamud Cali ayaa warbixin kooban ka siiyey Golaha Wasiirada xaalada xafiiskiisa, qorsheyaasha uu rajeynayo inuu ku horumariyo xafiiska. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada la dagaalanka musuqmaasuqa, kuna amray Hanti-Dhowrka Guud inuu qaado tallaabo kasta oo lagula jihaadayo la dagaalanka musuqmaasuqa si loo helo isla xisaabtan dhab ah.

    Golaha Wasiirada ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyey Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Argagaxisada oo Wasiirka Amniga uu Golaha horey ugu soo gudbiyey. Sharicgan ayaa muhiim u ah soo celinta amniga, nabadeynta iyo ciribtirka kooxaha argagaxisada ah oo shacabka dhibaatooyin u geysta.

    Golaha Wasiirada ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedyada Batroolka iyo kan Istaatiistikada oo Wasiirada Batroolka iyo Qorsheynta ay warbixno kooban ka siiyeen Golaha Wasiirada muhiimada sharciyadan. Golaha ayaa soo akhrisan doona sharciyadan si kulamada danbe looga doodo, loona ansixiyo.

    Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Golaha siiyey warbixin la xiriirta waxqabadkii 100kii maalmood ee Xukuumada ugana mahadceliyey Golaha Wasiirada dadaalkoodii dhaxalgalka ahaa oo suurtogeliyey in muddo kooban ku qabsoomaan howlo fara badan oo muhiim u ah dalka. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ka codsaday Golaha Wasiirada inay ka howlgalaan qorsheyaashooda 9ka bilood ee soo socda.

    Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa ka tacsiyeeyey Geeridii Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo dalka xilal kala duwan ka soo qabtay horeyna u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda, Wasiirka Maaliyada iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeen. Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa sheegay inuu socdo wadahadal qoyska oo looga hadlayo in Meydka la keeno Muqdisho si aas qaran loogu sameeyo iyo in kale.

    DHAMMAAD

    Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka

    Golaha wasiirada Kheyre xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWaayo ceynkee ah ayuu C/raxmaan Buluqbuluq soo maray?
    Next Article Guddoomiyaha G/Banaadir oo kashifay sababta uu u dalbaday Dakhliga kordhinta 25% [Akhriso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo