Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»AKHRISO: Go’aanadii lagu gaaray shirkii Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya [Sawirro]

    AKHRISO: Go’aanadii lagu gaaray shirkii Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya [Sawirro]

    November 23, 2017Updated:November 23, 20175 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa maanta qabnsoomay shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Dawladda Federaalka, waxaana bilowgii hore shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar), halka uu qeybtii danbe uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre.

    Shirka ayaa  lagu ansixiyey xubin ka mid ah Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka, loogana hadlay arrimaha amniga, maaliyada, heshiiska Xaquuqda Caruurta, shirweynaha amniga iyo horumarka dhaqaalaha iyo arrimo kale.

    Ugu horreyn, Wasiir ku xigeenka Amniga Gudaha ayaa ka warbixiyey xaalada guud ee amniga, howlgallada militariga iyo kuwa xasilinta dalka. Sidoo kale waxuu golaha la wadaagay horumarka laga sameeyey hirgelinta qorshaha amniga oo uu sheegay in ay gacanta ku hayaan baaritaano dhab ah oo dad la tuhunsanyahay ah.

    Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyey ahmiyada shirarka waaweyn oo Muqdisho lagu qaban doono 4ta iyo 5ta December 2017. ,Axmed Caynte Madaxa Hay’ada Xiriirka iyo Deeqaha ayaa Golaha siiyey warbixin ku aadan shirka 5ta December ee ah Somali Partnership Forum oo looga hadli doono horumarka dhaqaalaha, mashaariicda la qorsheynayo iyo arrimaha gargaarka oo ay beesha caalamku ka soo qeybgalayaan.

    Axmed Caynte ayaa sharaxay ahmiyada kulankan iyo sida looga doonayo Dawladda Federaalka inay ku soo bandhigto waxqabadkeeda si caalamka uu u qiimeeyo una dardargeliyo taageeradooda muhiimka ah. Sidoo kale Axmed Diirshe oo ah Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Qorsheynta ayaa ka warbixiyey sida ay Wasaarada Qorsheynta u diyaarisey mashaariicda dalka oo dhammaantood la waafajiyey baahiyaha dowlada Federaalka iyo Qorshaha Horumarinta Dalka.

    Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa isna ka warbixiyey shirka guddiga wasiirada ee arrimaha Siyaasada oo uu sheegay in kulankoodii u danbeeyey la isla meel dhigay arrimo badan, waxuuna ka codsaday Omar Dhagey oo ah La Taliyaha Ra’iisul Wasaaraha inuu warbixin dheeraad ah siiyo golaha wasiirada. Omar ayaa sheegay in shaxdii iyo nidaamkii Federaaleynta dalka, dib-u-eegista dastuurka iyo hirgelinta doorashooyinka la diyaariyey oo ay meel fiican marayaan. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada dejinta qorshaha siyaasada dalka ee shacabka loogu horseedayo qabsoomida doorashooyin hal cod iyo hal shaqsi ah 2020ka.

    Wasiirka Haweenka & Xaquuqul Insaanka, Marwo Deqa Yasin Haji Yusuf ayaa golaha siiyey warbixin dhameystiran oo ku aadan wadatashi iyo daraasad ay ka soo sameynayeen Dowlad Goboleedyada iyo G/Benadir oo carruurta Soomaaliyeed lagu xog-wareysanayey xaaladooda dhabta ah, caqabadaha jira iyo fursadaha si kor loogu qaado adeegyada aasaasiga ah ee carruurta iyo kor u qaadista xaquuqda carruurta. Wasiir Deeqa ayaa sheegtay in heshiiskii Xaquuqda Carruurta ee Soomaaliya ay saxiixday 2015kii na-looga baahnaa inaan warbixin dhameystiran gudbino labo sano gudahood, tanoo ah sababta daraasada, wadatashiga iyo xog-ururinta loo sameeyey.

    Wasiir ku xigeenka Dastuurka Hussein Abdi Elmi ayaa golaha wasiirada u soo gudbiyey talo soo jeedin ku aadan buuxinta xubin ka mid ah Guddiga Dastuurka ee Madaxa Bannaan oo horey u bannaanaatay. Wasiir ku xigeenka ayaa golaha ka codsaday inay ansixiyaan in Marwo Mumina Sheikh Omar oo horey u noqotay Wasiir ku xigeen iyo xildhibaan, lehna aqoon, waayo aragnimo, karti iyo hufnaan si ay u buuxiso booska bannaan oo ay xubin uga noqoto Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka.

    Golaha Wasiirada ayaa dood dheer ka dib si wadar-oggol ah u ansixiyey in Mumina Sheikh Omar ay xubin ka noqoto Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka. Wasiirka Dastuurka iyo Wasiir ku xigeenka ayaa dadaal dheer ku bixiyey sidii booska bannaanaaday ay u buuxin laheyd shaqsi dumar ah oo leh waayo aragnimo, karti, hufnaan, aqoon iyo iyadoo horey dalka mas’uul uga soo noqotay. Golaha Wasiiradda ayaa Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Dastuurka ku ammaanay dadaalkooda iyo soo xulitaanka shaqsi ku habboon xilkan culus, tanoo ah tallaabo horey loo qaaday.

    Wasiirka Maaliyada ayaa ka warbixiyey horumarka laga sameeyey maamulka iyo maareynta Maaliyada oo mashruuca heshiiska geedi-socodka ee Deyn Cafiska (SMP) lagu guuleystay in dhammaan shuruudihii caalamka intooda badan la fuliyey, inta dhimana la rajeynayo in dhamaadka sanadka la dhameystiro, tanoo albaabada u furi doonta Soomaaliya in deymaha laga cafiyo, isla markaasna laga hirgeliyo mashaariic waaweyn sida wadooyinka, warshadaha, kaabayaasha dhaqaalaha si loo kobciyo dhaqaalaha dalka, loona abuuro shaqooyin horseeda nabad waarta.

    Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada siyaasad ahaan iyo ajenda ahaan ee Dowlada Federaalka ay tahay in caalamka ay ku kalsoonaadaan nidaamka maamulka iyo maareynta maaliyada si dalka looga hirgeliyo mashaariic horumarineed.

    Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo safar shaqo ku tagey shalay Baydhabo ayaa ku soo biirey golaha wasiirada ugana warbixiyey safarkiisa, oo uu sheegay in si heer sare ah loo soo dhoweeyey, isla markaasna uu wadatashiyo ballaaran la soo sameeyey Madaxweynaha Koofur Galbeed, maamulka, Madax dhaqameedka, dhalinyarada, haweenka, culumada iyo dhammaan qeybaha bulshada oo dhammaantood diyaar u ahaa xoojinta nidaamka dowliga ah.

    Ra’iisul Wasaraha ayaa sheegay in safarka uu baydhabo ku tagey ay qeyb ka tahay dardargelinta xoojinta xiriirka Dawlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, isagoo ballanqaaday in mashaariic horumarineed laga fulin doono deegaanada Koofur-Galbeed oo ay ugu horeyso dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo si shaqo abuur ay ugu noqoto dhalinyarada isla markaasna loo kordhiyo ganacsida iyo koboca dhaqaalaha dalka.

    Ugu danbeyntii Wasiirka Arrimaha Dibedda Yusuf Garaad ayaa ka warbixiyey booqasho uu ku tagey dalka Mareykanka oo uu casuumaad ka helay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mareykanka oo laga wada hadlay xiriirka Africa iyo US oo ay 37 Wasiir Arrimo dibadeed ee dalalka Africa ay halkaas ku sugnaayeen.

    Wasiir Yusuf ayaa sheegey inuu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Rwanda oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, iyadoo Rwanda ay dhowaan Soomaaliya soo gaarsiisey daawooyin caafimaad oo 2 Milyan oo dollar lagu qiyaasay si bukaanka Isbitaalada ku jira loogu daaweeyo. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegey ahmiyada dalka Rwanda oo Soomaaliya ay wax badan ka baran karto bacdamaa ay duruufo adag ka soo gudubtay, maantana kor u qaaday dhaqaalaheeda.


    Golaha wasiirada Somalia Top xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamada isku dhafka ee Gaalkacyo oo Askar laga dilay & Wararkii ugu danbeeyay
    Next Article Golaha Wasiirada oo magacaabay Haweeney xubin ka noqoneya Guddiga Dastuurka [Akhriso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo