Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»AKHRISO: Golaha Wasiirada oo ansixiyay isbedel Farmaajo ku sameeyay Taliyeyaasha Ciidamada & Maamulka G/Banaadir

    AKHRISO: Golaha Wasiirada oo ansixiyay isbedel Farmaajo ku sameeyay Taliyeyaasha Ciidamada & Maamulka G/Banaadir

    April 6, 20172 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    –Kulan aan caadi aheyn oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre ayay ku ansixiyeen isbadal lagu sameeyey hogaanada Talisyada Ciidamada Xooga, Boliiska, Asluubta, Nabadsugida, iyo maamulka gobolka Banaadir.

    Ugu horeyn kulanka Golaha Wasiirada ayaa warbixin looga dhegeystay wasiirka amniga gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ka warbixiyay xaaladda amniga, isaga oo golaha u soo bandhigay qorsheyaal lagu sugayo amniga.

    Sidoo kale, kulanka ayaa warbixin looga dhegeystay Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo madax u ahaa guddiga xil wareejinta Wasaaraddaha, waxaana uu xusay in inta badan Wasaaraddaha ay si habsami leh ugu kala wareejiyeen, isaga oo u mahadceliyay Wasiiradii hore oo si quman u wareejiyay xilalka Wasaaraddaha.

    Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo golaha u soo bandhigay magacaabista Taliyeyaal cusub oo ciidanka Qalabka sida ay yeeshaan, waxaana dood iyo falan qeyn dheer kadib cod buuxda ku ansixiyeen Golaha Wasiiradu xubnahan hoos ku xusan.

    1. Taliyaha Ciidanka Xoogga Jan. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid
    2. Taliyaha Hay’adda Nabadsugida C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe
    3. Taliyaha Ciidanka Boliiska Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid)
    4. Taliyaha ciidanka Asluubta Jan. Xuseen Xasan Cismaan

    Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa ka dooday isbadal lagu sameeyo hogaanka maamulka gobolka Banaadir, dood dheer kadib waxa ay u codeeyeen in guddoomiyaha gobolka Baanaadir ahna duqa Muqdisho loo magacaabo Thaabit Cabdi Maxamed.

    Ansixinta kadib, ayaa waxaa shirka golaha Wasiirada ku soo biiray madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), isaga oo uga mahadceliyay isbdalada iyo dardargelinta howlaha Qaranka ee ay wadaan golaha Xukuumada.

    Madaxweynaha ayaa xusay inuu kalsooni buuxda u hayo xubnahan la magacaabay ee hogaanka talisyada ciidanka, waxa uuna tilmaamay in wadanku wajahayo dagaal ka dhan ah kooxaha nabadiidka ah ee Al shabaab, Musuq maasuqa iyo Abaaraha.

    “Dalku waxa uu ku jiraa xaalad dagaal, waxaana dooneynaa in hadda kadib, kooxaha nabadiidka aanaan sugin inta ay shacabka Qarxinayaan oo ay dhibaateynayaan, waxaan rabnaa inaan anagu weerarno, goobaha ay joogaana ka sifeyno” ayuu yiri Madaxweynaha oo ka hadlayay kulanka golaha, waxa uuna shacabka ka codsaday inay garabsiiyaan ciidamada Qaranka.

    —-DHAMMAAD—-

    Farmaajo Golaha wasiirada Taliyeyaasha ciidamada xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweyne Farmaajo oo Dareyska milateriga ku guddoomiyay shirkii Golaha Wasiirada [Sawirro]
    Next Article Shirkad Imaaaraad ah o la wareegtay Dekadda Boosaaso [Akhriso Heshiiska la saxiixay]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo