Ra’iisal wasaarha xukuumadda xilgaarsiinta ayaa magacaabay Guddi xal ka gaara cabashada ka taagan kuraasta Beelaha Banaadiriga ee la filayey in lagu doorto Muqdisho.
“Kadib markii aann wadatashi ah la yeeshay Guddoomiyeyaasha Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo Guddiga Doorashada Banaadiriga (SEIT), waxaan magacaabay Guddi ka kooban 7 xubnood oo ka socda FEIT, SEIT Banaadiriga iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Maxamed Xuseen Rooble.
Guddiga ayaa kala ah:
FEIT
1- Muuse Geelle Yuusuf. Guddoomiyaha FEIT, Guddoomiye
2- Maxamed Aadan Cismaan
3- Cabdi Hiis Udan
SEIT Banaadiriga
4- Sacdiyo Aways Cali Boolaay. Guddoomiyaha SEIT Banaadiriga
5- Saciid Cabdulqaadir Axmed
6- Maxamed Cabdulxamiid Axmed
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
7- Avv. Cumar Maxamed Cabdulle La taliyaha Sharciga ee Ra’iisul Wasaaraha
Guddigan ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u xilsaaray in ay baaraan cabashada la xiriirta kuraasta Banaadiriga ee Golaha Shacabka iyo in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo gudbiyaan talo iyo warbixin ku aaddan arrimaha cabashadu ka taagan tahay.
