Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»AKHRISO: Heshiiska Amni ee London ku kala saxiixdeen Dowladda Soomaalida iyo Beesha Caalamka

    AKHRISO: Heshiiska Amni ee London ku kala saxiixdeen Dowladda Soomaalida iyo Beesha Caalamka

    May 14, 20176 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shirkii Soomaalida loogu qabtay magaalada London 11-kii bishan, waxaa laga soo saaray heshiis cusub oo xagga amniga ah kaas oo u dhaxeeya Soomaalida iyo beesha caalamka, heshiiskan oo loogu yeero (Sucurity Pact) waxaa uu socon doonaa 10 sano, waxaana hadda xoogga la saarayaa muddada Madaxweyne Farmaajo.

    Sida aad ku arki doontaan heshiiskan waxaa lagu heshiiyay dhismaha ciidamada qalabka sida, bixitaanka AMISOM, maalgelinta ciidamada iyo kaalinta Soomaalida iyo beesha caalamka ee hirgelintiisa.

    Akhriso, Heshiiska Amniga Ee Soomaaliya

    Horudhac:

    Heshiiskan waxaa lugu soo dhaweeyay qorshaha dowladda Soomaaliya u dejisay 4ta sano ee soo socota iyo heshiiskii amniga ee dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada ay saxiixeen April 16, 2017.

    Beesha caalamka waxaa ay taageertay qorshaha “National Security Policy” ee la meelmariyay June 2016-ka, waxaana dowladda lagula taliyay in ay dedejiso qorshe qaran oo dhanka cadaaladda ah.

    Dhammaan qeybaha shirka waxaa ay isku raaceen hirgelinta qorshaha National Strategy Plan ee ka hor tagga mayal adeegga ah( Preventing and violent extremism) kaas oo la meel mariyay September 2016-qorshahan UNka ayaa keenay-ujeedada waa in wacyigelin iyo waxbarid looga hortago mayal adeegga.

    Waxaa lagu heshiiyay in laga shaqeeyo sidii loo heli lahaa qorshe amni oo Soomaalida hogaamineyso, lacagtana ay baxsaneyso.

    Heshiiskan waxaa uu arkaa in ay isku xiran yihiin horumar laga gaaro siyaasadda iyo midka amniga, waxaa kaloo muhiim ah in la diyaariyo sidii looga gudbi lahaa ku tiirsanaanta AMISOM.

    Dowladda federaalka ah waa in ay mas’uul ka noqoneysaa amniga, si dhaw ula shaqeysaa dowlad goboleedyada sida in ay sugto amniga meelaha ku soo dhaca gacanta dowladda, waddada uu saadka maro iyo xitaa amniga doorashada 2021-ka. 

    Heshiiska Amiga waxaa uu xadidayaa:

    • Heshiiska “Qaabaynta Amniga Qaranka” ee dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada.
    • Sida beesha caalamka uga go’an tahay in ay taageerto Qaabaynta Amniga Qaranka”.
    • Heshiiska ah in AMISOM 2018-ka bilowdo wareejinta amniga iyada oo ay la socdaan shuruudo iyo hadaf cad.
    • Hubinta Hirgelinta heshiiskan oo uu ku jiro kulanka la qabanayo 6 bil kadib shirka London.

    Dhowrista xuquuqul insaanka iyo in cadaaladda la horkeeno dadka ku xadguba haweenka iyo caruurta.

    Soomaalida waxaa ay qabsadeen waqti lagu hirgelinayo Qaabaynta Amniga Qaranka, beesha caalamkana waa ku taageertay, waa in qorshaasi noqdaa mid laga bixi karo, waxaa kale oo la iska gartay in la sameeyo hub ka dhigis, dhaqan celin iyo in dowladnimada la xoojiyo, waxaa kale la doonayaa in qorshe laga yeesho arrimaha badda sida la dagaalanka argigixisada.

    Dhammaan Soomaaliya iyo beesha caalamka waa in ay fuliyaan waxa lagu heshiiyay.

    Heshiiskan amni waxaa gaaray Soomaaliya iyo 42 dal, waxaa la gaaray 11 May 2017, ma aha heshiis dacwo laga furi karo hirgelin la’aantiisa.

    Heshiiska Siyaasadeed iyo Midka Amni Ee Soomaalida:

    Dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada waxaa ay heshiis amni gaareen April 16, 2017, golaha amniga qaranka ayaa ansixiyay May 8, 2017-kii.

    Heshiiskan waxaa uu khuseeyaa 4 meel:

    Tirada ciidamada, qeybinta ciidamada ee dowladda iyo maamul goboleedyada, taliska ciidamada iyo mas’uuliyadda dowladda iyo maamul goboleedyada.

    Beesha caalamka waxaa ay soo dhaweysay heshiiska siyaasadeed iyo heshiiska Qaabaynta Amniga Qaranka”, waxaana lagu talinayaa in laga sii wada hadlo meelaha weli aan laga hadlin ee siyaasadda, waxaa ku jira maalgelinta ciidanka iyo sida ay tahay in lacagta ciidanka u qeysadaan Soomaalida iyo beesha caalamka.

    Taageerada Beesha Caalamka

    In Beesha caalamka ay taageero dhaqaale iyo mid qalab ah siiso Soomaaliya 4ta sano ee soo socota.

    In lala yimaado qorshe ciidanka lagu maalgeliyo(CAS) qorshahaas oo lagu yeero 4As oo kala ah( Affordable, acceptable, accountable and able) iyo in AMISOM lagu saleeyo baahida ay dadka Soomaalida ah qabaan.

    In Beesha caalamka iyo Soomaalidaba ay isku mid ah midkoodba midka kale ula xisaabtamo.

    Iyada oo laga ambaqaadaayo heshiiska siyaasadeed iyo midka amni, beesha caalamka waxaa ay taageeri doonaa 5tan soo socota:

    1. Taageridda howlgalka AMISOM iyo in lagu heshiiyo sida ay Soomaalida talada kala wareegayaan AMISOM.
    2. Iyada oo lagu dhaqmayo Qaabaynta Amniga Qaranka, waa in la xoojiyo hey’adaha amniga ee Soomaaliya, lana sameeyo sidoo kale hub ka dhigis iyo dhaqan celin.
    3. In la taageero qorshaha xasillinta ee dowladda Soomaaliya iyo qorshaha loo yaqaano(CREDTA/A)
    4. In la hirgeliyo qorashaha ka hortagga extremsim-ka ee loo yaqaano (C/PVE).
    5. In beesha caalamka ay dadaalkooda iyo waxqabadkooda mideeyaan si loo helo waxqabad iyo natiijo dhab ah.

    Maalgelin Joogta ah:

    Shirka October 2017ka kadib, dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka waxaa ay ku heshiin doonaan istaraatiijiyad lagu maalgeliyo Qaabaynta Amniga Qaranka iyada oo la eegayo qorshaha 4ta “A” ee (Affordable, acceptable, accountable and able), waxaa in lala dagaalaa musuqa, laga shaqeeyaa maamul wanaaga iyo in la ogaado faa’idada ka soo xaroon karta lacagtaas.

    In la xoojiyo hey’adaha amniga iyo hey’adaha rayidka ah ee la socda shaqada hey’adaha amniga ah.

    Shuruuradaha  Soomaalida Ay AMISOM  Kala Wareegi Karaan Aminiga:

    Soomaaliya waa  in ay xoojiyaan dhismaha hey’adaha dowliga ah iyo in la dejiyo qorshihii ay amniga kula wareegi lahaayeen.

    Beesha caalamka waxaa ay taagerysaa in AMISOM ay bilowdo wareejinta amniga dhammaadka 2018-ka, waxaa arrintaa la socda UN-AU  iyo dib u eegistooda AMISOM june 2017-ka iyo sida golaha ammaanka iyo AU ay Mandate u siiyaan AMISOM dhammaanda sanadkan.

    Dhamaan qeybaha waxaa ay is tuseen dhibaatada AMISOM ka soo martay lacagta laga soo bilaabo 2007, waana in mas’uuliyad wadareeed la iska saaro maalgelinta AMISOM 2018-ka iyo wixii ka dambeeya.

    Tillaabooyinka:

    • Heshiiska London (11 May 2017)
    • Technical Rollover of AMISOM mandate 31 May
    • UN-AU Review of AMISOM (May- June 2017)
    • Resosultionka golaha ammaanka laga sugayo ee ku aadan AMISOM, qaraarkaas waxaa la filayaa August 2017-ka.

    Hirgelinta Heshiiskan Amniga:

    Dhammaan qeybaha waxaa la isla gartay in laga shaqeeyo sidii loo heli lahaa mechanism lagula socda howsha iyo in lagu dhex shaqeeyo qorshaha National Development plan.

    Arrimahaas Waxaa Heshiis Looga gaari doonaa shirka ka dhacaya Muqdisho si:

    Si dib u habeyn loogu sameyn lahaa arrimaha amniga

    Heshiiskan amniga loo hirgelin lahaa

    In Soomaalida ay maamulaan howlaha la xiriira Qaabaynta Amniga Qaranka,, qorshaha (CAS), dhismaha hey’adaha amniga iyo qorshaha kale ee ka hortagga xagjirnimada.

    In Heshiiskan  “New Partnership-ka mar walbo la qiimo oo loo sameeyo madal high level iyo sida Soomaalida hubiyaan sida heshiiskaas ula jaan-qaadi karo qorshaha qaran ee Soomaalida.

    Ugu dambeyntii in fulinta qorshahan ay ka shaqeeyaan dhowr hey’adood oo kala ah

    1. Security conference: oo ay ku jiraan dowladda federaalka ah, qaramada midoobey, Midowga Afrika iyo beesha caalamka.
    2. NSC oo ah Natioal Security council, waxaa ku jira kooxdan wasiirro, xoogga dalka iyo booliiska Soomaaliyeed.
    3. CAS Executive Group oo ay ku jiraan dowladda iyo beesha caalamka
    4. CAS Strands oo ah la taliyaal caalami ah oo qiimeeya
    W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye
    Heshiiska Amniga London conference on Somalia Sucurity Pact
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDHAGEYSO: Xeer ilaaliyaha oo Qarxiyay Musuqa ka jira Garoonka Diyaaradaha & Canshuur-dhaafka Dowladda
    Next Article Ra’iisal wasaare Kheyre oo Farriintii Madaxweyne Farmaajo u gudbiyay Amiirka Qatar [Daawo]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo