Heshiis ay wada gaareen siyaasiyiinta Beesha Sade iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) madaxweynaha maamulka Jubba oo in muddo laga shaqeynayay, isla markaana uu ka muuqda tanaasulaad fara badan ayaa maanta ugu danbeyn lagu soo bandhigay kulan ka dhacay magaalada Kismaayo.
Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa Axmed Madoobe, waxaa sidoo kale ku sugnaa xubnihii siyaasiyiinta beesha Sade, waxaaana heshiiska oo ka kooban 10 q0dob waxaa ugu muhiimsan:
-
In degmada Buurdhuubo ay noqoto degmo buuxda
-
In 10 xildhibaan ee lagu kordhiyay Baarlamaanka Jubba loo badiyo beesha Sade
-
In qasaarihii dagaalka la qiimeeyo lagana bixiyo magdhow .
-
In deeqaha caalamka si siman loogu qeybiyo gobollada