Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»AKHRISO: Khudbadii caleemasaarka Madaxweyne Farmaajo oo 12 Qodob lagu soo koobay

    AKHRISO: Khudbadii caleemasaarka Madaxweyne Farmaajo oo 12 Qodob lagu soo koobay

    February 22, 20177 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullahi Farmaajo ayaa maanta lagu caleemo saaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

    Wuxuu xafladda caleemo saarka ka jeediyay khudbo dheer oo uu uga hadlayay caqabadaha ugu waaweyn ee Soomaaliya ay wajeheyso.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa tiriyay dhammaan caqabadaha dalka uu wajahayo, wuxuuna sheegay sida uu wax uga qaban doono.

    “Caqabada ugu waaweyn waxaa ka mid ah, amni xumo baahsan, abaaraha dalka ka jira, dhameystirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed, xoojinta sareynta sharciga iyo nidhaamka cadaaladda, dib u soo celinta kalsooniga ay shacabka ku qabaan dowladda, yareynta Faqriga iyo saboolnimada, kobcinta dhaqaalaha iyo kordhinta dakhliga dowladda, jiheynta muqurqa iyo maskaxda dhallinyarada, xoojinta iyo tayeynta haykalka dowladnimo, xoojinta tayeynta xoojinta federaalka, iyo siyaasadda arrimaha dibadda oo ku dhisan is kaashi iyo ixtiraam.

    1 – Amni xumada

    Wuxuu sheegay in dalka ay ka jirto amni xumo baahday oo u baahan in si adag wax looga qabto.

    “Waxaan shacabka u cadeynayaan in wax la qaban karo ay koobnaan doonaan, maadaama itaalka iyo dhaqaalaha dowladda aysan xooganeyn”. ayuu yiri madaxweynaha.

    “Dhibaatooyiinka jiro waxay soo taagaanaayeen 26-sano oo colaad iyo baaro ah. In ka badan 20 sano oo kale ayaan u baahan nahay si aan u soo kabsano.”

    “Shacabka ha iga caawiyeen dhibaatooyiinka naga ahaysto arrimaha aasaasiga ah sidii aan wax uga qaban lahayd, afarta sano ee soo socota”.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu xoogga saaro tayeynta ciidanka qalabka sida iyo kuwa amniga gudaha.

    “Waxaan hubin doonaa in ciidamadeeda geesiyaasha ah ay helaan mushaarkooda, qalabkooda, iyo xarumo iyo tababar kooda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

    Mar uu ka hadlayay ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya wuxuu yiri: “AMISOM ciidamada nagala jooga, howl wanaagsan ayey qabteen. Waxay naf iyo maalba u hureen Soomaaliya, way mahadsan yihiin”.

    “Waxay garab nagu siiyeen dib u yagleelidda ciidamadeena, hadafkaasna intiisa badan wuu dhaqan galay”. Madaxweyne Maxamed cabdullahi Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay inuu billaabayo dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.

    “Xukuumadeydu waxay ka shaqeyneysaa in muddo kooban lagu hirgeliyo hadafka ah dhismaha ciidanka, si ay uga shaqeeyaa amniga dalka iyo dadka”.

    2 – “Argagixisada”

    Wuxuu Alshabaab kula dardaarmay in ay dagaalka joojiyaan oo ay ka qeybgalaan dib u dhsika dalka.

    “Umadda Soomaaliyeed ma hor istaagi kartaan. waxaan idiin sheegayaa in Soomaali ay isku duuban tahay, Waxaan idiin sheegeynaa in maanta laga billaabo aydaan dhinbaateyn dadka Soomaaliyeed”, ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

    “Kuwa u shaqeeya Al-qacida iyo daacish, waxaan idiin sheegeynaa in laga soo gudbay waqtigii dadka ay qeybsanayeen”.

    “Fursad ayaad haysataan maanta ee dadkiina ku soo biira, diyaar waxaan u nahay inaan idiin ku soo dhoweyno gacmo furan, haddii aad diidaan, Soomaali oo dhan kama hor imaan kartaan”.

    3 – Musuqmaasuqa

    Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ku caanbaxday “musuqmaasuq”. Wuxuu tilmaamay in dalal badan oo caalamka ka mid ah ay Soomaaliya u garanayaan dal musuqa uu hareeyay.

    Wuxuu xaqiijiyay madaxweyne Farmaajo in dowladdiisa ay wax ka qaban doonto musuqaasi.

    “Waxaan ku shaqeyn doonnaa dowridda amaanada naloo dhiibto”, ayuu sheegay madaxweynaha.

    “Musuqmaasuqa ayey caalamku nagu garanayaan, sanadkii la soo dhaafay waxaan noqonay dowladda ugu hooseysa”.

    “Waxaan dooneynaa inaan noqono dowladda koobaad ee caalamka ee musuqmaasuq uusan ka jirin”.

    “Waxaan soo celineynaa cisigii iyo sharaftii ay lahayd Soomaaliya”, ayuu tilmaamay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

    4 – Abaaraha

    Madaxweynaha ayaa sheegay in abaarta Soomaaliya ay ku dhowdahay inay la mid noqoto middii 2011-kii.

    “Waxaa dalka aafeeyay abaaro, dad iyo duunyaba baabi’iyay. Waxaan aragnaa muuqaallada xoolaha la’anaya, dhibaatada muuqato waa mid xanuun badan”, ayuu sheegay madaxweynaha Soomaaliya.

    “Way soo noqnoqdeen abaaraha, xukuumadda oo Kaashaneysa khubaro gudaha iyo dibadda ka socda, waxaan la imaan doonnaa istiraatiijiyad cad oo wax looga qabanayo abaarta soo noqnoqtay”.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in qorshaha uu yahay in Soomaaliya laga hirgeliyo barnaamijka looga hortago abaaraha.

    5 – Dib u heshiisiinta

    Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay jirto dib u heshiisiin ay soo billaabeen dowladihii ka horeeyay oo lagu xallinayo dibaatooyiinka dalka muddada ka jiray.

    “Dib u heshiisiinta waa geeddi socod mar hore soo bilowday, waxaan dhameystiri doonnaa dib u heshiisiintaas. Waxaa ceeb nagu ahin xilligan ay kala qobqoban yihiin Soomaalida wada dhalatay”.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in uu sii wadi doono dib u heshiisiinta magaalada Gaalkacyo.

    “Waxaan xoogga saari doonnaa dib u heshiisiinta magaalada Gaalkacyo, oo ay soo bilowday dowladdii hore.

    “Waxaan la imaan doonnaa hannaan cad oo ku saabsan dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee dacallada dalka”.

    6 – Somaliland

    Wuxuu sheegay madaxweynaha inuu ka shaqeyndoono sidii loo dhameystiri lahaa wadahadallada u dhexeeya dowladda federaalka iyo Somaliland.

    “Wadahadalka dowladda federaalka iyo walaaleheen Somaliland waxay ahayd tallaaabo wanaagsan oo horey loo qaaday”, ayuu yiri madaxweynaha.

    Farjaamo, madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaa ku daray in dowladdiisa ay ka go’an tahay sii wadidda wadahadalkaasi.

    “Waxaan sii wadeynaa wadahadallada Somaliland lala lahaa si aan uga mira dhalino”.

    7 – Sharciga iyo cadaaladda

    “Sareynta sharcigu waa udub dhexaadka dowladda”, ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo ballan qaaday in sharciga dalka loo siman yahay.

    “Dowladdeeno waxay dib u eegis ku sameyn doontaa nidaamka cadaaladda, waxaan hubin doonnaa in sharciga loo sinnaado”.

    Wuxuu ballan qaaday in uu tayeyndoono uuna xoojin doono hannaanka cadaaladda iyo awoodda sharciga, asigoo kaashanaya dastuurka.

    8 – Kalsoonida lagu qabo dowladda

    Madaxweynaha Soomaaliya maxamed cabdullahi Farmaajo ayaa ballan qaaday inuu soo celindoono kalsoonida shacabka ay ku qabaan dowladda.

    “Waa in la soo celiyo kalsoonida shacabka ay ku qabaan dowladda”, ayuu yiri Farmaajo.

    Wuxuu intaa ku daray: “Waa in shacabku ay dowladda u arkaan mid u shaqeysa ee aan ka shaqeysan, mid u adeegta ee aan ka adeegan, mid u turta ee aan ku tuman, mid u roon ee aan raran.”

    9 – Dhallinyarada iyo shaqo la’aanta

    “Cadowgeena labaad waa faqri, taasi waxay keentay inay dhallinyarada u baxsadaan Yurub, kuwa badan waxay ku dhammaadeen badaha, kuwa badanna xabsi ayey ku jiraan, kuwa badanna waxaa marrin habaabiyay kooxaha xagjirka ah”. ayuu yiri madaxweynaha.

    Wuxuu sheegay in heerka shaqo la’aanta ee dalka ka jirto ay ka badan tahay boqolkiiba 80.

    Wuxuu sheegay in dowladda cusub ay keeni doonto qorshe wax looga qabanayo shaqo la’aanta iyo faqriga.

    “Waxaa taabagelin doonnaa barnaamijka dowladdii iga horeysay ee shaqa abuurista ahaa.”

    “Qorshahaasi wuxuu cadeynayaa hormarinta dhaqaalaha iyo shaqasiinta dhallinyarada”.

    Wuxuu sheegay in dhaqaalaha uu noqon doono mid lagu jiheeyo laguna taaba geliyo xoogga iyo maskaxda dhallinyarada Soomaaliyeed.

    10 – Dhaqaalaha iyo canshuurta

    madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka ka codsaday inay bixiyaan canshuuro si dowladda ay u hesho dhaqaale ay ku shaqeyso.

    “Shacabka waxaan ka rabnaa inay na taageeraan, waxaan ka rabnaa inay amniga naga taageeraan, waxaan ka rabnaa inay canshuurta ay bixiyaan”, ayuu yiri Farmaajo.

    “Daacad kastaa aan ahaado, waxaan ka shaqeyn karaa oo aan maamuli karaa wixii la ii dhiibto, marka waxaan shacabka ka codsanayaan inay dowladdooda taageeraan oo dhaqaalaha aysan ka hakran oo canshuurta ay bixiyaan”.

    Wuxuu ballan qaaday in seddaxda sano ee soo socota dowladdiisa ay abuuri doonto fursado shaqo oo ay ka faa’idi doonaan dhallinyarada.

    “Waxaa qeyb ka ah taabagelinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxaan hubin doonnaa in arrintaas ay ka turjunto baahida dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada”.

    11 – Maamul goboleedyada

    Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo wuxuu amaanay sida dowladdii hore ay ugu guuleysatay dhismaha maamul goboleedyada.

    Wuxuu ballan qaaday inuu si dhow ula shaqeyndoono dowlad goboleedyada.

    Amniga iyo hormarinta dalka ayuu tilmaamay inay yihiin arrimaha ugu muhiimsan ee maamulada uu kala shaqeyn doono.

    “Waxaan xoojindoonaa xiriirka dowladda kala dhexeeyo maamul goboleedyada, si gaar ah waxaan dowlad goboleedyada isaga Kaashan doonnaan dhaqaalaha, amniga, iyo cadaaladda”.

    “Dowlad goboleedyadu waa baalashii ay ku buubi lahayd dowladda federaalka, Dowladda dhexena waa indhihii ay dowlad goboleedyadu ay wax ku arki lahaayee, marka lama kala maarmo”, ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

    12 – Xiriirka dowladaha deriska iyo caalamka

    Wuxuu sheegay in uu xoojin doono xiriirka caalamka kala dhexeeyo Soomaaliya.

    Arrimaha amniga, ganacsiga iyo is kaashiga ayaa qeyb ka ah waxa uu madaxweyne Farmaajo doonayo inuu ku xoojiyo xiriirka caalamka.

    Wuxuu sidoo kale tilmaamay in siyaadaha arrimaha dibadda uu aasaas uga dhigay is kaashi iyo ixtiraam.

    “Is kaashi ganacsi ayaan la yeelan doonnaa dowladaha kale ee caalamka iyo kuwa deriska, waxaan sameyn doonnaa wakaalad qaabilsan maalgashiga dibadda si loo helo dalal Soomaaliya maalgashado”, ayuu yiri Farmaajo.

    “Waxaan dalalka aan deriska ah kula dhaqmi doonnaa ixtiraamka ay naga mudan yihiin oo ah inaanan arrimahooda gudaha faragelin. ayaguna intaas in la eg ayaan ka fileynaa”.

    BBC

    Caleemasaarka Khudbadii Farmaajo Madaxweyne Farmaajo Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWeerar Qarax Bambo ah oo caawa ka dhacay Magaalada Jowhar
    Next Article Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Ra’iisal wasaare cusub ee Soomaaliya [Waa kuma..?]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo