Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»AKHRISO: Khudbadii Madaxweyne Farmaajo u jeediyay xildhibaanada Golaha Shacabka

    AKHRISO: Khudbadii Madaxweyne Farmaajo u jeediyay xildhibaanada Golaha Shacabka

    March 1, 20177 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan  Jawaari iyo ku xigeennadiisa, Ra’iisul wasaaraha magacaaban, xubnaha golaha shacabka, Taliyeyaasha ciidanka, saxaafadda iyo marti sharafta kale, dhammaan waxaan idiin ku salaamay salaanta Islaamka.

    Mudanayaal iyo marwooyin, marka hore waxaan xildhibaannada Labada gole uga mahacelinayaa doorashadii aad i doorateen inaan noqdo madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliyeed, Afarta Sano ee soo socota.

    Waxaan aaminsanahay in taariikhda si gaar ah u xusi doonto go’aankii taariikhiga ahaa ee aad qaadateen, February 8, 2017.

    Waxaan idiinku bogaadinayaa sidii aad uga dhabeyseen dareenkii umadda Soomaaliyeed oo meel walbo oo ay joogto u riyaaqeen isbedalkii aad gacantiina ku sameyseen.

    Waxaan si gaar ah ugu bogaadinayaa haweenka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed oo maanta qeyb weyn ka qaatey baarlamaanka Labada gole, go’aankii taariikhiga ahaa, sidoo kalena aan ka rajeynayo in xukuumadda kaalin buuxda ka qaataan.

    Waxaan kaloo u mahadcelinayaa umadda Soomaaliyeed oo taageeray isbedalkaan, bulshada Soomaaliyeed ee u dabaaldegay go’aankii ay gaareen xilidhibaannada waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin, waad mahadsantihiin.

    Waxaan maanta halkaan idiin kaga balanqaadayaa aniga iyo xildhibaannada sharafta leh ee Soomaaliyeed inaan ka dhabeyn doonno intii awoodeenna ah ballamadii aan idin ka qaadnay xilligii aan doorashada ku jirnay aniga iyo iyagaba.

    Anigoo ku hadlaya magaceyga iyo magaca xildhibaannada sharafta leh, waxaan bulshada Soomaaliyeed u sheegayaa in amanaadii aad inoo dhiibateen aan idiin ilaalin doonno, waxaan ilaahay ka baryeenaa inuu nagu garab galo oo inoo fududeeyo Aamiin.

    Mudanayaal iyo marwooyin sidaad wada dareensan tihiin bulshada Soomaaliyeed waxay inaga fileysaa wax weyn, waqtiga iyo waxa aynu haysanana ay aad u yaryihiin, inaan ka miro dhalinana waxa aynu dooneyno iney dhaqangalaan.

    Waxaan kaloo aan idin ka qarsooneyn in dalka iyo dakuba ay maanta xaalad adag ku jiraan oo aan mareyno, waxaa jira abaaro baahsan oo saameeyay dalka oo dhan, dadka iyo duunyaba, waxaa jira colaado iyo amni darro, waxaa jiro kala qeybsanaan sababsaday noloshii iyo dhaqaalihii dalka.

    Sidaasi darteed si aan u gudanno amaanadii bulshada inoo dhiibatay waa ineynu ku dadaalnaa in Hal saac aaney inaga khasaarin, waa in wax walbo ka hormarinaa danta guud iyo dhismaha dowladda aan ugu adeegeenno bulshada, aana ka jawaabeyno dhibaatooyinka maanta dalka ka jira.

    Mudanayaal io marwooyin, barnaamijkeyga Nabad iyo nolol waxaa saldhig u ah la dagaalanka nabad diidka iyo musuq maasuqa.

    Sidaan horeba u sheegay Labada cadow ee dowladnimadeena ragaadiyey waxaa Kow ka ah kooxaha hubeysan ee Al-shabaab ee habeen iyo maalina xasuuqaya umadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah, iyagoo aanan kala saareyn rag iyo dumar, caruur iyo ciroole, culimo iyo caamoba.

    Waxaa Labo ka ah musq maaqusa oo sidaad la wada socotaan adduunka nagu yaqaano haddii aan Soomaali nahay dowladda ugu xun oo ugu musumaasuq badan adduunka, musuq maasuqa waa kan inaga hortaagan ineynu dhisanno dowlad aan bulshada ugu adeegno, waa kan curyaamiyey dhaqaalaheena, magaceena iyo horumarkeena.

    Mudanayaal iyo marwooyin waxaan idiin ka codsanayaa in xukuumadda iyo adnigaba aad naga taageertaan sidii Labadaasi cadow aanu u ciribtiri lahayn, waxaan aaminsanahay iney suuragal tahay in si dhab ah isaga kaashanno oo aan uga adkaanno cadowgaasi Labada ah.

    Waxaan ku qanacsanahay inaanu Labadaasi ka adkaan karno, haddii aynu gacmaha is qabsanno oo meel uga soo wada jeedsanno xukuumadda iyo Baarlamaanka, dowladda dhexe iyo dowalad goboleedyada iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed oo adduunka meel kasto ka jooga.

    Mudanayaal iyo marwooyin waxaa muhiim ah inaan xuso si aan cashirro uga qaadanno, baarlamaankii sagaalaad ee Hooyada u ahaa baarlamaanka Tobonaad oo ee aan maanta nasiibka u yeesho inaan furo sida waafaqsan qodobka 90-aad ee Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed.

    Baarlamaanka 9-aad wuxuu kusoo shaqeeyey duruufo aad iyo aad u adag, haddii ay noqoto mid dhaqaale iyo mid amniba.

    Aniga oo kamid ah siyaasiyiinta sida dhow ula socda howlaha baarlamaanka 9-aad, waxaan qirayaa in waqti badan kaga lumay khilaafaad siyaasadeed oo joogto noqday, oo haddii ugu yartahay Sanad ka cunay waqtigii shaqo ee baarlamaanka.

    Inkastoo aaney dalka iyo dadkuba dani ugu jirin is qabqabsi siyaasadeed, hadane waxaan mar Labaad ku amaanayaa hoggaanka baarlamaanka in ay dhammeeyeen iyadoo aan shisheeye soo farogelin.

    Mudanayaal iyo marwooyin, haddii aan usoo dego shaqooyinka uu qabtey baarlamaankii 9-aad xagge dejinta shuruucda, waxaan oran karaa wuxuu ansixiyey shuruucyo badan, heshiisyo badan iyo dib u eegis uu ku sameeyey Dastuurka KMG ah.

    Waxaan la socdaa inuu dhameystiray qoraalkii dib u eegista Dastuurka oo uu soo saaray Saddex xulasho, laakiin aanu waqti u helin in lala wadaago dadweynaha si ay uga doodaan fikirkooda, ku darsadaan si uu u noqdo Dastuur rasmi ah.

    Inkastoo loo igmaday baarlamaanka Sagaalaad Dhameystirka Dastuurka hadane duruufaha siyaasadeed ee waqtigaasi uu ka cunay waqti badan waxay iyaguna usii idmadeen baarlamaanka 10-aad inuu intaasi dhameystiro wixii qabyada ahaa.

    Hadaba mudada xil haynta baarlamaanka 10-aad oo Afar Sano ah waxaa horyaalla howlaha soo socda oo aad iyo aad u culus.

    • Dhameystirka dib u eegista Dastuurka
    • Dhameystirka Shuruucda Federaalka ah
    • Matalaadda Dadweynaha,Waa laf dhabarta dimuqraadiyadda, sidaasi awgeed waa inaan dardargelinno dhameytirka matalaadda dadweynaha.

    Illa ahadda waxaa la ansixiyay oo kaliya sharciga axsaabaha, laakiin wixii shuruuc ahaa ee la xiriirey sharcigan weli lama taaban, waxaana kamid ah: Sharciga doorashada, Diiwaangelinta dadweynaha, Jinsiyadaha iyo wixii lamid ah, si aan uga guurno qaabka aan hadda u dhisannahay oo aan u gaarno qof iyo codkiisa,  abuurista dhaqangelinta hay’adaha, dhameytirka shuruucda hortabinta leh ee Dastuurka dalbanayo oo dhan 22 sharci sida ku cad Jadwalka Koowaa xarafka D iyo wixii kale oo shuruuc ah ee uu tilmaamayo Dastuurka KMG ah.

    Tan ugu dambeysay ee dardargelinta hindise sharciyeedka xukuumadda keeni doonta oo aad u farabadan ee wasaaradaha kala duwan ee xukuumadda.

    Mudanayaal iyo marwooyin, sida ugu sahlan ee loo dedejin karo howlahaasi baaxadda leh, waxay ila tahay in la abuuro ajende xeer dejin ah oo ay heshiis ku yihiin xukuumadda iyo baarlamaanka, waxaan garan karaa in howshaasi aanu soo sheegay ay u baahan yihiin dhaqaale xoog leh oo ku bixi doona khubaro, tababaro, dhageysi dadweyne iyo wixii lamid ah.

    Waxaan idiin ballanqaadayaa in wixii dhaqaale ah ee aan awoodno aan marnaba ka hagran si howshaasi ay u dhaqangasho.

    Waxaa kele oo aan la socdaa duruufaha dhaqaale ee idin haya, waxaan idiin balanqaadayaa in aan wax badan ka bedli doonno nolosha iyo nabadgalyada xubnaha baarlamaanka.

    Waxaan ku kalsoonahay inaan Kow isku tashanno, aan aruursanno canshuurta oo shacabka Soomaaliyeed aan barno in dowladooda taageeraan ayna dhaqaale ku bixiyaan.

    Inaan kaalmo ka helno dalalka aan saaxibaha nahay waqti dhow, taas oo dhammaan mushaaraadka wax ka bedali doonta.

    Waxaan idiin ku bishaareynaa inaan qorsheeyey inaan Afarta Sano gudahooda aan ku abuuro mashaariic, hoy iyo deganaansho loogu sameyn doono xildhibaannada sharafta leh.

    Waxaan ilaahay ka baryayaa inuu abaarta naga dulqaado, inuu cadaalad naga qaboojiya, inuu qalbigeenna isku soo dhoweeyo oo khilaaf uu naga dulqaado.

    Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaan maanta hortiina u imid inaan idin ka codsado inaad si waafaqsan qodobka Dastuurka ee 69-aad, farqaddiisa Labaad D, kalsoonidiina siisaan Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo aan u doortey inuu hoggaamiyo xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, waxaan ku doortay kartidiisa iyo aqoonta maamulka iyo hoggaamineed ee uu u leeyahay Xasan Kheyre.

    Waxaan tixgelin siin doonaa, khibradda uu u leeyahay shaqada, Xasan Cali Kheyre waa nin aad ula socda, xog fiicanna ka haysta siyaasadda gudaha iyo dibadda, tan gobolka iyo adduunkaba, waa nin aan ogahay inuu hufan yahay, waa nin aan ku aqaanno inuu ka fog yahay qabyaaladda iyo nin jeclaysi, waa nin aan u arko in aan wada shaqeyn karno, isku aragti ka noqon karno dhismaha dalka iyo dowladda, oo aan kui dhisi doonno waxaan niri Nabad iyo Nolos, sidaasi darteed waxaan maanta idiin ka codsanayaa inaad ila qaadataan Xasan Cali Kheyre inuu soo dhiso xukuumad Tayo leh, oo gudan karta shaqada culus ee bulshada Soomaaliyeed ay naga wada sugaysa.

    Mudanayaal iyo marwooyin, waxaan fursadan uga faa’ideysanayaa inaan umadda Soomaaliyeed ugu baaqo iney taageeraan walaalhooda tabaaleysan iyo kuwa dan yarta ah, gaar ahaan dadka abaaruhu halakeeyeen, waxaan dadka wax haysta ugu baaqayaa ineysan maanta walaalahooda waxbo ka hagran, sidoo kale waxaan ganacsatada iyo dadka qurbejoogta ah aan si weyn ugu baaqayaa iney iyaguna qeyb culus ka qaataan iney abaarahan dadka walaalahooda tabaaleysan ay gacan siiyaan.

    Waxaan  kaloo fursadan uga faa’ideysanayaa in si degdeg ah loo joojiyo dhammaan dagaallada sokeeye ee dalka ka socda, gaar ahaan kuwa dhowaan kasoo cusboonaaday degmooyinka, Cadale iyo Marka.

    Ugu dambeyntii waxaan ilaahay ka baryayaa inuu abaarta naga dulqaado, inuu colaadda naga joojiyo, naga qaboojiyo iyo inuu qalbigeenna isku soo dhoweeyo oo khilaafaadka naga dulqaado.

    Sida waafaqsan qodobka 90-aad ee Dastuurka, Kalfadhigga Koowaad ee golaha shacabka ee Baarlamaanka waa furan yahay.

    Farhaamo Khudbadii Farmaajo Madaxweyne Farmaajo
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDAAWO SAWIRRO: Baarlamaanka oo si aan hore loo arag u ansixiyay Ra’iisal Wasaare Kheyre
    Next Article Maxay Alshabaab u kordhisay Qaraxyada iyo Khaarijinta ay ka wadeen magaalada Muqdisho..?

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo