Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 25
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Akhriso: Khudbadii Musharax C/qaadir Cosoble ee saameynta weyn yeelatay

    Akhriso: Khudbadii Musharax C/qaadir Cosoble ee saameynta weyn yeelatay

    February 4, 20173 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Khudbaddii Musharax Cosoble oo saameyn weyn abuurtay khudbaddii uu ka horjeediyey musharax madaxweyne Cabdiqaadir Cosoble Cali Baarlamaanka Federalka Soomaaliya waxay soo jiidatay dhammaan intii daawaneysay, dhegeysaneysay iyo xildhibaanaddii goobjoogga ka ahaa oo aan dareemi karo sidii saameyn xooggan ugu yeelatay quluubtooda.

    Qodobada si gaarka ah u taabtay dadka waxaa ka mid ahaa dowladwanaagga oo uu sheegay waxa ugu horeeyo uu qabanayaayo inay tahay soo xullidda ra’iisul wasaare iyo xukuumad leh karti, aqoon iyo hogaamin wanaagsan soona jiidan karta, ra’iisul wasaarahaas oo soo dhisi doono xukuumad wax ka qabata xaalada adag ee wadanka uu ku jiro oo koox gaar ah ama shaqsi gaar ah aysan lahayn balse ku hogaamisa dalka dastuurka iyo sharciga u yaal.

     

    Wuxuu xusay in xukuumadda uu dhisayo qayb libaax ah laga siin doono haweenka iyo dhalinyarada maadaama ay dalka soomaaliyeed u badan yihiin. Waxyaabaha kale ee aadka loogu riyaaqay hadalka Musharaxa Madaxweyne Cabdulqaadir Cosoble ayaa waxaa ka mid aheyd in amniga shacabka ay sugi karto oo kaliya ciidanka soomaaliyeed.

    “Amni aan garsoor caadil lahayn lama sugi karo” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Waxaa kale oo uu ku nuuxnuuxsaday arimaha hormarinta dhaqaalaha iyo ilaalinta bii’ada isagoo sheegay in shacabka aanu ku hormari karin wax dibada laga keenay, balse ay muhiim tahay inay isku tashadaan oo ay baahidooda daboolaan, isagoo balanqaaday inuu xoogga saari doono waxsoosaarka gudaha, dhiirigelinta warshadaha yaryar iyo maal gelin sidii dalka loogu heli lahaa, waxaana sheegay in la dhisi doono hay’ad ka shaqeeysa maal-gashiga ( investment authority ).

    Dhalinyarada soomaaliyeed ayuu Musharaxu wuxuu u balan qaaday inuu shaqooyin u abuuri doono kuna jiheynayo wax soo saarka beeraha, xoolaha, kaluumeeysiga iyo qayraadka dabiiciga ah. Meelaha kale oo uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa arimaha dibeda iyo xiriirka caalamiga, federaleyn dhab ah iyo dib u heshiisiinta iyo in caruurta soomaaliyeed ee danyarta ah ay heli doonaan wax barasho lacag ah ilaa heer dugsi sare.

    Dhamaan Qodobada uu ka hadlay Musharaxa Madaxweyne, Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble ayaa ahaa kuwa nuxur leh oo soo jiidanaya dhamaan inta dhageeysaneeysay, loona qabay baahi aad u badan. Ugu dambeeyntii musharax madaxweyne Cabdiqaadir Cosoble Cali wuxuu xildhibaanada ka codsaday inay codkooda siiyaan wuxuuna u balan qaaday inuu ka shaqeeyn doono amnigooda, kor u qaadida sharafta iyo karaamada xildhibaanka iyo daryeelkooda. Hadaba xildhibaanada labada aqal ayay u taalaa xullidda ruuxii lagu aamini lahaa masiirka ummadda soomaaliyeed hase yeeshee musharax madaxweyne Cabdiqaadir Cosoble Cali ayaa waxaa loo arkaa inuu yahay nin mudan inuu noqdo madaxweynaha dalka soomaaliya, islamarkaana ay haboon tahay in fursad la siiyo.

     

    C/qaadir Cosoble Doorashada Musharax
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKooxda Alshabaab oo ku hanjabtay weeraro gilgila magaalada Muqdisho
    Next Article Xarunta Doorashada Madaxweynaha oo loo bedelay Afisyoone [Wararkii ugu danbeeyay]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo