Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Akhriso: Khudbadii yaabka lahayd ee Musharax Tarsan u jeediyay xildhibaanada Baarlamaanka

    Akhriso: Khudbadii yaabka lahayd ee Musharax Tarsan u jeediyay xildhibaanada Baarlamaanka

    February 5, 2017Updated:February 5, 20173 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Musharaxa xilka madaxweynaha Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa khudbad kulul u jeediyay labada Aqal ee Baarlamaanka.

    Wuxuu cambaareeyay xildhibaanada oo ka tegay xarunta Barlamaanka oo uu sheegay inuu faaruq ahaa. “Baarlamaanka waxaan u jeedaa inuu faaruq yahay, qaarbaaba maqan, waa nasiibdaro, taasi waxay la micno tahay inay go’aan bay gaareen cidda ay codka siin lahaayeen, waxay ahayd inay joogaan oo musharixinita iyo khudbadaha wada dhegaystaan, waa nasiibdarro inuu hadda kooramka buuxin..” ayuu ju halgaaday xildhibaada Baarlamaanka.

    “Waxaan rajeynahayaa maanta umada Soomaaliyeed inay indhaha idinku soo heyso, waxaan rajeynayaa inaadan wax ku dooran qabiil ama qof dowladd wadato, umada Soomaaliyeed rajo weyn ayey ka qabtaa inaad maanta u doorataan kii ummada Soomaaliyeed ugu fiicnaa, ugu caadaaladsanaa ee dadka xoolahooda iska ilaalinayay” ayuu yiri Musharax Tarsan.

    Wuxuu sheegay inu yahay qof aragti dheer leh oo wax curiya, wixii aan curriyana uu ka mirro dhaliyo. “Markii aan ahaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaan curriyay dhowr fekrad, waxaa ogtihiin qoraxdan weligeed waa jirtay, waxaan ahay ninkii ugu horeeyay oo keena in qoraxda nal laga dhigto, qofkii igu qabsanaya ha sheego hadda, Norway ayaan ka keenay maanta waa aragtiin gobol kasta ayeey ka hirgashay fekrad aan curiyay” ayuu ku faanay Mudane Tarsan.

    Wuxuu weerar ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh isagoo sheegay inuu amray dabdamis yaala Muqdisho in la geeyo Jowhar oo dab qabsaday, isagoo garan waayay ayuu yiri inuu kuwo kale u dalbo, taasoo uu ku tilmaamay aragti gaabni.

    Wuxuu sheegay inuu aamin yahay aan faragelin hantid umadda isagoo talada u soo qaatay xilligii uu gobolka Banaadir madaxda ka ahaa: “Markii aan Gobolka imid khasnada iyadoo maran xilka qabtay, mana jirin shaqaale, markaan ka tegaayay xilka, waxaan wareejiyay $400,000 Dollar, lacagtaas waan qaadan karay, waan u baahnaa, Guri ma dhisan, waxba kale kuma sameysan, waxaan kaloo wareejiyay 200 Billion oo shilin Soomaali ah, Qalab iyo mishiino culus, waxaasi oo dhan waxay ka mid ahayd amaanada qofka masuulka ah lagu rabo..”

    Musharax tarsan wuxuu duray madaxweynayaasha ka soo jeeda beelaha waaweyn isagoo sheegay inay ku mashquulayaan xil u raadinta dadkooda. Wuxuu sheegay inuu dhisi doono Cadaaladda, waxaan siineynaa dhaqaale ku filan garsoorayaasha dadka cadaaladda haya.

    Amni darrada ayuu sheegay inay keentay laaluushka iyo musuqmaasuqa, isagoo sheegay inuu la dagaalamayo musuq maasuqa sida loola dagaalamayo Alshabaab. “Inta aan Argagixisada la diririn waxaa la diriri doonaa musuqmaasuqa, wadan aan amni ahayn horumar lagama sameyn karo, amni darradana waxaa sal u ah musuqmaasuqa” ayuuna yiri.

    “Waxaan dhiseynaa ciidan 20,000  oo askari oo askarigii qaadayano lacagtiisa taliyayashana qadanayaan lacag fiican, … labada sano ee ugu soo horeysa waxaa diyaarinayna ciidamadii bedeli lahaa AMISOM, amniga waxaa la wareegaya ciidamada amniga Qaranka Soomaaliyeed… Kursiga saacada aan ku fariisto askari kasta afar joog oo dhar ah ayaan siinaynaa” Musharax Tarsan.

    “Mudanayaal haddii aa dooneysan qof amniga, xaalada dalka, tahriibta wax ka qabta waxaa dooranaysaan Tarsan, hadaa doonaysaan qof cadaalad wax ku dhisa, waxbarasho iyo caafimaad soo celiya waa Tarsan ee i doorta, hadaad dooneysaan qof taakuleeya agoonta iyo danyarta waa Tarsan ee i doorta.., Culimadu waxay tiri haddii lacagta la idin siiyo qaata laakiin qofka fiican dadka u doorta, lacagta qaata oo waa lacagtiiniiye laakiin codkiina dalka ugu taageera markaasi waxaa idinku filan denbi dhaaf saddex maalin oo aad soontaan, lacagta qaata laakiin codka qofka ugu wanaagsan dalka siiya, aniga lacag idin siin maayo laakiin wax ka fiican baan idiin hayaa waxtar iyo aragti dheer, hadda waxaan rajeynayaa inaad dadka kan koowaad iga dhigeysaan..”

    Waxay ahaayeen ereyadii ugu danbeeyay oo si weyn loogu sacaba tumay isla markaana qosol ka keenay xildhibaanada goobta ku sugnaa.

    Wadani.com

    Doorashada Khudbadaha madaxweyne Tarsan
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMusharax Farmaajo oo noqday Musharixii ugu Balanqaadka badnaa [Akhriso nuxurka Khudbadiisa]
    Next Article Madaxweyne Xasan Sheekh oo Codsi u diray dadka Magaalada Muqdisho (Akhriso)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo